Tuesday, June 9, 2009

WARBIXINTII WAXBARASHADA IYO ARDEYDA SOOMAALIYEED EE WADANKA PAKISTAN.

Hordhac

Ugu Horeyn ALLAAH ayaa mahad oo dhan iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah Allaha siiyo.

Intaa kabacdi Akhristaha Sharafta badanoow, Soomaalida ayaa waxeey tiraahdaa "War helaa talo hela" maxaa yeeley si aad go'aan u gaarto ama fursado waaweyn oo muhiim ah oo jira aad uga faa'iideysato, waxaad u baahan tahay "warbixin ama xog ku saabsan arinta aad go�aanka ka qaadaneyso" sidaa daraadeed ayaa inta shirkadi suug eysan ka howgalin muhiim u tahay in ey xogta suuqa baaraan "Market Research"

Waxaa laga yaabaa aabe dhaqaale u heli kara ubadkiisa, jeclaana lahaa in uu wadankan Paksitan wax ku baro, ama qof lafsad ahaantiisaba iska bixin kari lahaa qarashka waxbarasho, jeclaana lahaa in uu ka faa'ideyso fursadaha waxbarasho ee ka jira wadankan, ayaa laga yaabaa in ey ka hortaagan tahay oo kaliya in uusan heysan xogtii waxbarasho ee uu u baahnaan lahaa. Si marka taas looga gudbo ayaa waxaa igu dhalatey maadaama aan wadankan mudo wax ka baranayey in aan wixii karaankeyga ah ku biiriyo walaalaha Soomaaliyeed ee website-kan ku tixan meelkasta oo ey dunida ka joogaanba.

WAXA IGU DHIIRAGALIYEY DIYAARINTA WARBIXINTAN

Wax walbaahiba sabab lehe, waxaa warbixintan igu dhalisey arin shaqsiyan isoo martey dhowr sano kahor, taasoo aheyd in aan soo dalbadey warbixin waxbarasho oo ku saabsan wadankan Pakistan, waxaan jeclaa in la iiga soo warbixiyo sida loo heli karo jaamacadaha wadankan, gaar ahaan kuliyadaha Caafimaadka iyo kuwa Injineerinka.

Akhristoow warbixintii isoo gaartey ayaa waxeey noqotey in Kuliyada Caafimaadka aan ku baran karo lacag dhan: $50,000/waa guud ahaan 5-ta sano ee loogu tala galaye, kuliyada Injineerinkana: $10,000/ iyana waa guud ahaan 4-teeda sano, taasoo iga niyad jabisey barashada labadan kuliyadood, maadaama dhaqaalahaa uu aad u farabadnaa, waloow ey raqiis noqoneyso Lacagtaas labadaa maado lagu baranayo marka dunida 1aad loo barbardhigo, inkastoo Jaamacad kastaana tixgalinteeda gaarka ah leedahay.

Xaqiiqdase waxeey ahyed in madaada Injineerinka looga helayey waqtigaas wadankan Pakistan "FREE" ama lacag la�aan qofkiiba barankara, waxaa lagu helayey qaab Scholarship ama � Deeq Waxbarasho� ah oo Soomaalida Ilaah ugu nimceeyey loona soo marayey dhinaca Safaarada Soomaaliyeed ee wadankan Pakistan. Kuliyada Caafimaadkana waxaa 5-teeda sano la iska bixinayey: $1500 illaa $2000/,hadba sida Ilaah wax kuugu sahlo. Inkastoo waxaan hada bartey aan aad ugu faraxsanahay dhab ahaan, laakin shalay waxaan ku faraxsanaa in aan maadooyinkaa mid ka mid ah bilaabo, weyna dhici laheyd hadii aan heli lahaa warbixitii aan u baahnaa waqtigaa. Waloow qofkastaa Illaah mustaqbalkii uu ugu talo galey yeelanayo. hadana waxaad dareemi kartaa saameynta ey ku yeelan karto iyo muhiimada eey leedahay in aad hesho warbixinta aad u baahantahay iyo waliba waqtiga aad u baahan tahay.

Si marka Ardeyda Aqoon-Doonka ahi ey u helaan warbixinta eey u baahanyihiin,oo hadii ey macquultahay aan badbaadino in ey ka qasaarto fursad qaali ah oo ey ka faa'iideysan lahaayeen, ayaan waqti iyo Juhdi farabadan u galineynaa diyaarinta warbixitan muhiimka ah, Ilaahna uga rajeyneynaa in uu Ajar iyo Xasanaad inaga siiyo, anigan diyaariyana iyo website-kan daabacaya intaba si ummada ey uga faa'ideysato, waxaana rajeynayaa in ummad farabadan Ilaah ku anfici doono oo eey ka faa'ideysan doonaan. Waana tan ee kusoo dhowoow warbixintii oo Tixane inoo noqon doonta haduu Alle idmo.

SIDEE AYEY ARDEYDA SOOMAALIYEED KUSOO GALAAN WADANKAN PAKISTAN

Qaababka ardeyda Soomaaliyeed eey kusoo galaan wadankan ayaa waxaa loo kala qaadi karaa sidan soosocta:

1-Jaamacado damaanad qaada Ardeyga

Sida caadada ahba ardey marka uu wadan waxbarasho u aadayo, waxaa badanaa uu soo codsadaa jaamacada inta uu wadankiisa hooyo joogo, asaga si toos ah ha ula soo xiriiro jaamacadaas ama qof jooga wadanka uu doonayo in uu wax kabarto ha usoo dhiibto dukumiintiyada looga baahanyahay e. Jaamacada waxeey dukumiintiyadiisii waxbarasho iyo codsiga jaamacada usii kala gudbineysaa Xafiisyada ey quseeyaan dukumiintiyadaas ardeyga, sida: Wazaarada Waxbarashada,Wazaarada Arimahana Gudaha, tan Dibadaba, Hey'ada Tacliinta Sare (The Hight Education Commission),I.W.M. Ardeygaas wuxuu helayaa markaa waraaq la yiraahdo: N.O.C.(No Objection Certificate) ama warqada cadeyneysa in dowladu eysan waxba ka qabin in ardeygaas uu wadanka wax kabarankaro. Maadaama loo fasaxey Jaamacada in ey ardeygaasi u ogolaan karto waxbarashada haduu u qalmo ayey siineysaa Admission-ka ama ogolaashaha jaamacada, dib ayeyna Wazaarada Arimaha Dibada ugu celineysaa si �Visa� loo siiyo ardeyga, kadibna waxeey u direysaa Visa-hii uu wax kubaran lahaa (Study Visa) ardeygaas, wadankana uu kusoo gali lahaa si sharci ah,waana wadada ugu wanaagsan uguna nabadgalyada badan, maxaa yeeley ardeygaas markasta oo uu ka dhoco sharciga joogista wadanka wuxuu si lacag la'aan ah ku helayaa Visa kale oo uu wadanka kusii joogi karo (Extenstion Visa), illaa waxbarashadiisa uga dhamaaneyso. ugu horeynse si jaamacad aad u codsato dukumiintiyo ayaa lagaaga baahan yahay.

Maxeey kala yihiin Dukumiintiyada looga baahanyahay Ardeyga?

A-koobiga Baasaboorka Ardeyga oon dhicin (Valid Passport) Inta wax uga qoranyihiin.

B-Koobiga Shahaadada Dugsiga Sare, iyo Warqada Isbarbardhiga Tacliinta Dugsiga Sare ee wadankaada iyo tan wadankan (Equivalence Certificate) oo Safaarada ey kuu dalbeyso,.Waa hadii uu Ardeygu Bajulaar doonayee.

C- Shahaada Jaamacada (The Degree) iyo warqada Buundooyinka (The Transcript), waa hadii tacliin Master iyo wixii ka sareeya uu doonayo ardeyga.

D-Warqadda Tasdiiqinta:Tazkiyah ama (Recomendation Letter)

E-Sawiro ah nuuca Passport size-ka illaa 9 iyo wixii ka badan.

F-Koobiyaasha Foomka lagu Codsado jaamacada iyo Sharciga intaba.

2-Xafiisyo iyo Shaqsiyaad wax soo saara

Waxaa jira shaqsiyaad iyo Xafiisyo Soomaali iyo Ajaanibba isugu jira kuwaasoo xiriir gaar ah la leh Wazaarada Arimaha Dibada ee wadankan, waxeey soo saaraan hadba Visa-ha u fududaada,ha ahaado mid ganacsi (Business Visa), mid booqasho ( Visit Visa) ama mid waxbarasho (Study Visa), laakiin su'aasha aan jawaabta loo heleyn ayaa waxey tahay �Waa hadiiba lagu weydiiyee!" Jaamacaddee ayaa kuusoo saartey visahan waxbarasho (The Sponsor)?, laakiin waxaa ugu xun in ardeygu soo qaata Visa aan mid ardeynimo aheyn, maxaa yeeley waxbarasho kuma helayo, wuxuuna ku qasbanaanayaa in uu dib u badalo qarash iyo dhib farabadana ku mudeysto, waloow ey yihiin Visooyinkaas nuuceey rabaanba ha ahadaane marka hore fursad uu wadanka kusoo galo ardeyga. Dhinaca qarashka ey kusoo saaraan wuxuu u dhexeeyaa $300/illaa $500/waa adiga iyo gorgortankaada. Mudada Visahaagu ku egyahayna wuxuu noqon karaa 3-bilood ama 6-bilood, waa hadba sida aad ku heshee. Waqtiga ey qaadato in laguusoo saarana waxeey ku xeran tahay sida qofka ama xafiiska kuu xareynaya kuugu dadaalo iyo jawiga guud ahaaneed ee wadanka ka jira markaas.

3-Qaabka Khuruujka ee Culimada Tabliiqa.

Waxaa jira sidoo kale ardey marka hore wadankan kusoo gasha ayagoo lasocda culimada Tabliiqa oo Khuruuj ku yimaada wadankan, sidaana iska bixiya haafka (1/2 ) qarashkii uga bixilahaa hadii ey si caadi ah ugu soo safri lahaayeen wadankan, kabacdi marka ey wadanka soo galaana isaga hara oo iska jooga wadanka , mudo markii ey joogaana jaamacadaha codsada. Badanaa waxeey galaan jaamacadaha Islaamiga ah oo culuumta Diinta Islaamka lagu barto, kuwaasoo qarashka wax looga barto uu yahay mid aad u jaban ama waaba lacag la'aan, ayadoo bishii lacag yar oo Saabuun ahna ardeyda lasiinayo, waloow wixii ka dambeeyey �11-September� hey'adihii Kheyraadka bixin jirey badanaa xarumahoodii dhaqaale la xerxeray, jaamacadaha badankood iyana wey gooyeen Lacagtii Saabuunta aheyd oo eey bixinjireen. Ardadaas iyo kuwa Qoxooti ahaanta u yimid ee UN-ka bixitaan ka rajeynayey waxeey wadanka ku joogaan Kaar la yiraahdo NARA (National Aliens Registration Authority), jaamacaduna wey u dalabtaa sharciga caadiga ah ee ardeynimo.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor).
BBA (Horns), MBA (in Progress).
Karachi-Pakistan, Mobile:0092-3002477489
Email:
abdulkadirphd@hotmail.com

DHIBAATOOYINKA ARDEYDA SOOMAALIYEED KA QABSADA DHINACA SHARCIGA EE WADANKAN PAKISTAN.

Hordhac

Allaah ayaa Mahad oo dhan iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah Allaha siiyo.

Intaa kabacdi. Waa muhiim in aad ogaado sharciga wadanka aad u socoto ee aad dooneyso in aad wax ku barato kuna noolaato mudada waxbarashadu kuu socoto, si aadan ula kulmin wax dhib ah ama is jiidjiid ah taasoo kaa mashquulin karta waxbarashadaada ama kuu diidii karta waxbarashadoo dhan mararka qaakoodna. Dabcan si simad ayey muhiim ugu tahay waalidkii ubadkooda soo dirsanayey ee qarashka faraha badanna ku bixinayey iyo ardeygii safarkaa dheer usoo galay in uu wadankan wax ku barto dhib la�aan . Waxaa jira marka, dhibaatooyin dhinaca Sharciga ah ee ku dhaca Ardeyda Soomaaliyeed ee wadankan imaaneysa, sababtuna waxeey tahay ayagoon helin wax horey ugu sii diga ama ugu sii sheega mushkilada qabsan karta. Waxaana nasiib darro ah in dhibaatooyinkaasi ey yihiin kuwa si joogto ah usoo noqnoqda ogaansho la�aan darteed. Ugu dambeyn Akhristaha sharafta badanoow Waa kuwan dhiibaatooyinkii iyo xalkoodiiba ee kusoo dhowoow.

1)Visa aan Jirin oo been abuur ah (False Visa) oo Ardeyga loo soo saaro.

Waxaa jira Fiisooyin been abuur ah oo Ummada Soomaaliyeed qarash farabadanna looga qaato, qasaaro eysan kasoo kabankarinna qoorta loo galiyo. Waxaa dhacda shaqsiyaad wadankan ku nool, ha ahaadeen Somali ama Ajaanib�e oo ku qaraabta Fiisooyin ayaan soo saarnaa, ayagoo wax Fiiso u eg laakiin aan dowlada ka Diiwaangashaneyn usoo saara ummadda, oo marka Ardeygu soo gaaro garoonka ee laga hubinayo Fiisahaas lagaba weynayo keydka Nambarrada fiisooyinka eey bixisey Dowlada Pakistan. waxaana marar farabadan dhacdey in waalid dhaqaale faraban looga qaatey Fiisaha nuucaas ah hadana wiilkoodii ama gabadhoodii garoonka laga celiyey oo looba diidey in uu wadanka galo maadaama wax aan lagaraneyn uu la yimid meesha. Nasiib darose! ardeygii is lahaa waxaagu wey isku hagaagsan yihiin oo mustaqbalkaadii waxbarasho meeshii aad kasii wadan laheyd waad joogtaa, ayaa sidaa qalbi jab iyo tiraanyo weyn ka haleeshaa waalidkii dhaleyna warkiisaba daa.

Marka fadlan iska hubi marka aad dooneyso in aad Fiiiso dalbato, dadka ama meesha aad u mareyso dalbashada Fiisahaaga iyo in ey jiraan dad ey Fiiso horey ugu dalbeen oo garoonka laga celiyey iyo inkale. Iska hubi in uu yahay Fiiso diiwaan gashan waliba tiimbarayaasha iyo saxiixyada looga baahanyahayna mid uusan ka maqneyn. Tusi oo kala tasho dadka kala garan kara Fiisaha saxda ah iyo midka aan jirin ama �Bugta ah�, si garoonka aan lagaaga celin.

2) Kaarka Caafimaadka (The Yellow card) oo laga soo tago ama si qaldan loosoo buuxiyo.

Kaarka Caafimaadka ama �The Yellew Card�, wuxuu sheegaa in qofku ka caafimaadqabo cuduro farabadan oo halis ah oo kaarkaas ku qoran, waa muhiim in uusan kasoo tagin qofka kaarkaas gaar ahaan haduu ka yimid Wadan eysan Dowlada Pakistan ku kalsooneyn in uu horey uga soo baarey qofka Cuduradaas. Hadii uu kasoo tagase qofku Kaarkaa taa micnaheedu wuxuu noqonayaa in qofkan baaritaan caafimaadba uusan soo marin, sidaa daraadeedna uu dhibaato iyo halis dhinaca Caafimaadka ah gaarsiin karo ummada uu wadankeeda galayo, waa Pakistaan�e. Qodobka kasoo tagida Kaarka Caafimaadka waxaa la mid ah, mid dadka badanaa eeysan ku baraarugsaneyn oo ah in kaarka Caafimaadka si kala duwan loogu soo buuxbuuxiyo magacyada iyo waxyaabaha kaloo ku qoranba ama taariiqdaba laga soo iloobo. Taariikhdu waxey sheegtaa waqtiga laga baarey qofka cuduradaas, iyo mudada kasoo wareegatey baarintaankaa, waxaana wanaagsan in ardeygu soo sameysto Kaarkaa taariiqda uu soo baxayo .

Su�aashu waxey tahay maxaa garoonka ku qabsada qofkii kasoo taga kaarkaas caafimaadka ama taariikhdaba kasoo ilooba? Qofka marka uu kasoo tago kaarkaas dhib weyn ayaa ku qabsada garoonka, maxaa yeeley waxaa loo diidaa in uu wadanka gudaha ugalo, waxaa lagu daraa Police-ka garoonka , waxaa la geeyaa meel garoonka waxyar ka fog laguna magacaabo �Goobta Takoorka� ama dad kasoocida (The Isolation Centre), waxaa meeshaas lagu hayaa ardeyga illaa 7-maalin. Bal kawaran ardey aan waalid ama walaal midkoodna lasocon, lagana yaabo in uu yahay �Mar-dhoof�, wadan uu ku cusub yahayna galaya, hadii uu maqlo �Xabsi!!!� ayaa lagugu heynayaa oo xirig ayaad tahay!!!!, intee in la eg ayuu walwalayaa ardeygaasi? ama naxayaa? Waa wax aadan qiyaasi Karin illaa aad noqoto qofkii ey ku dhacdey qisadaas. Marka laga soo tago naxdintaa -wanaaga dadka waa loo qiraaye- si wanaagsan ayey ula dhaqmaan mar haduuba ardey yahay, meesha lagu heynayo qofkaasna waa meel gudaheedu uu wanaagsan yahay, Sariiro, Joodariyo, Kuraas, Teleefishino iyo cunto wanaagsanba leh,waxaana intaa kuusii dheer Shaqaalaha oon iyagana xumeyn. Laakiin xuriyada qofka ayaaan wax loo dhigo laheyn. Waxaa jirta in aan laguu ogoleyn galitaanka gudaha meesha qofka uu ku jiro, laakiin albaabka ayuu kuusoo istaagi karaa. Bal malee adigoon cidna kuugu imaaneynin meeshaa aad ku jirto 7-daa maalin!. Fariinta ayaa ah, fadlan haka sootagin Kaarkaa Caafimaadka hana ka soo iloobin taariiqda si aad u badbaado, ninkii wuxuu yiri �Banaankaanba Arkaayaa ee maxaa Buuro isaarey�.

3)Baasaboorka oo sikala duwan loosoo buuxbuuxiyo.

Waxaa dhacda mararka qaar in Baasaboorkii ardeygu watey uu noqdo mid siyaabo kala duwan loosoo buuxbuuxiyey. Waa wax jira in uusan isku mid aheyd marka hal magac Af-Somali loo qoro marna English loo qoro, sidaas ayaana qofka lagu qabsadaa, inkastoo qofkii luqada yaqaan (English ama Urdu) uu wax u sharixi karo oo uu ka dhaadhicin karo Saraakiishaas sida wax u jiraan, laakiin hadii Luqadaadu iska jajab tahay waa talo fara kabaxdaye ogoow!. Waa wax la fahmi karo in magacyadu is leeyihiin hadana lagugu jageysan karo hadii la damco, ee marka horeba kasoo taxadar oo Passport-kaaga maadaama aad rabto in aad aduun ku marto fadlan English kusoo buuxbuuxso. Waxaa lagayaabaa in dhibkaas uusan ku dhicin Soomaalida Baasaboorada kasoo qaadata Safaaradaha Soomaaliyeed ee ku kala yaala Dunida dacalladeeda, maxaa yeeley waxaan filayaa in ey joogaan shaqaale u carbisan ama u tababaran sida ugu haboon ee loo buuxbuuxiyo Baasaboorada. Laakiin dhibkaas wuxuu qabsadaa ama ku dhacaa badanaa dadka kasoo qaata baasabooradooda Xurumaha kale sida: Cabdalla Shideeye iyo kuwa la midka ahba oo dadka jooga ee ka shaqeysta isugu jiraan Masaakiin gaajadu meesha keentey oo wax kuugu sameynaya hadba meeshi tabari gaarsiiso iyo dad xirfad wanaagsan u leh xowsha ey ummada u qabanayaan kuwaasoo u badan dadkii ka shaqeyn jirey xafiisyada Dowladihii hore.

4) Iska Diiwaan galinta Police-ka oo laga daaho iyoWado qaldan oo codsiga Fiisaha loo maro.

Sida Sharciga ah,wadankan marka aad soo gasho waxaa lagaa rabaa in aad �BIL� gudaheed ku tagto Xafiiska Police-ka dadka ku diiwaan galiyaan (Police Registration Office), waa arin iska dhib yar hadii marka hore laga taxadaro, laakiin hadii aad iska Xaadirin weyso bishaa gudaheeda xafiiskaas, waxaa ku galaya iska daba wareeg iyo qarash aad u farabadan oo markii hore si fudud loo badbaadin karilahaa. Waxaase Intaas oo dhan kasii daran kana muhiimsan; warqada Police Registration-ka waxeey ka mid tahay Dukumiintiyada la aantii Ardeygu aan la siineyn sharciga wadanka uu kusii joogilahaa inta uu waxbaranayo iyo warqada bixitaanka (Departure Letter-ka) marka ardeygu in uu wadanka kabaxo damco.

Dhinaca kale. Waxaa jirta wado qaldan oo ardeyda qaarkood ku raadiyaan Fiisaha ey kusii joogi lahayeen wadankan (The Extension Visa) maadaama eysan garaneyn wadada saxda ah ee Loomaro Fiisahaas, sidaasna dhib weyn ayey ku muteystaan waqti iyo qarash aad u farabadanna uga qasaaraa, waxbarashadiina uga mashquulaan maadaama Safaro aad u dhaareer ey ku qasbanaanayaan mararka qaar. Fadlan Qisadaan oo ah mid ardey Soomaaliyeed oo aad u farabadan ku dhacdey, ayaa waxaa inooga waramayaa mid ka mid ah ardadaas ee bal nala dhuux. Ardeygii wuxuu yiri:

�Waxaan wadankan kusoo galay Viso Ardeynimo (Study Visa), waxaan iska qorey Xarunta Policeka bishii ugu horeysey ee aan wadanka joogey, Fiiso 3-blood ah ayaan watey wuuna iiga dhacay kadib markii sadexdii bilood dhamaatey, waxaan u baahdey Fiiso aan wadanka kusii joogo maadaama aan rabo in aan wax kusii barto, waxaan wareystey Ardeydii oo waxaa la ii tilmaamey Yar Soomaaliyeed oo wadankan ku korey waxna ku bartey luqada iyo dhaqankana si wanaagsan u garanaya, dhibka jira ayaan u sharaxay, wuu ila ordey oo Police-kii oo aan ka hurdi waayey kana hoyan wayey sida ey iisoo wacayeen ayuu ii geeyey, Police-ka markaa waxeey ardeyda Soomaaliyeed u sameynayeen waraaqo Fiiso laga dhigayey laakiin waraaqaha qashinka aan waxba dhaamin, waxeyna ka qaadanayeen: $50(Rs:3000/)Mudo lixbilood ah(waa waqtiga ey kaa dhaceyso sida ey leeyihiin), Sanadkana waxaa ardeyda laga qaadanayey: $100(Rs:6000/). Mudo markii aan qarashkaa bixinayey ayaa ugu dambeyntii waxaa isku dhacay Xarunti Police-ka (The Police Registration Office) iyo Xaruntii Baasaboorada (The Passport Office), kadib markii mowjado Ardey ah oo waraaqahaa Fiisa ahaan u wada u tageen, markii aan tagey Xarunta Baasaboorada ayaa waxeey igu wargaliyeen in aan si sharci darro ah wadanka ku joogey waxiiba ka dambeeyey Fiisahii sadexda bilood ahaa ee aan wadanka kusoo galey, waxaaba intaa iiga sii darneyd markii eey ii sheegeen in eysan Fiiso isiin Karinba oo arinteydu faraha ka baxdey oo eey tahay in aan Caasimada (Islamabad) aado oo Fiisa ama xaga la iiga soo fasaxo ama la iiga soo diido. Meeshii ayaan ka ordey ayadoo duruustiina si Xowli ah u socoto, safar dheer oo dhinaca dhulka ah oo maalin iyo habeen aan istaag laheyn qaatey kabacdi ayaan gaarey Caasimada, markii aan la kulmey Sarkaalkii la iisoo direy, wuxuu igu canaantey waxa intaan oo dhan oo Fiiso la�aan ah aan wadanka ka qabanayey, waxaan u sheegey sida wax iigu dhaceen, iyo in talagalkeygu ahaa in aan si sharci ah wadanka ku joogo oo dhaqaalo farabadana aan ku bixiyey, nasiib darrose anigoo wadanka ku cusbaa iyo dad aan talo laheyn oo i heley darteed sidan wax u dhaceen. Xikmad Carabi ah ayaa waxey leedahay �Man fasadat Bidhaanatuhu kal Garaqi Filmaa�oo micnaheedu yahay: qofkii dadka la talinayaa xumaadaan waa sidii qof bad ku harqadey ama qarqadey oo kale. Wuxuu hanjabaad wadnaha i dhexdhigaba oo uu igu yiraahdo: �Arintaada waxaa go�aan ka gaari kara oo kaliya madaxda iga sareysa, waa in aad Isbuuc sugtaa si go�aan ah hala siiyo Fiisaha ama wadankaba halaga saaro lagaaga gaaro�.Calaacal iyo Cataaw dantu keentey kabacdi wuxuu isoo siiyey Warqadii Aheyd hala siiyo Ardeygan Fiiso. Waxaan kusoo noqdey magaaladeydii, waxaana ku qasbanaadey in aan bixiyo lacag ardey asigaba $100/Bishii loo soo dirayey uusan awoodin, waxaa sidaa waalidkii horey dhaqaale sharci ugu bixinayey ey noqotey in uu dib u bixiyo lacag aad u faraban, maadaama Sharciga wadankan uu dhahayo: �wixii 4-bilood ka badan oo sharci daro ah (Over-Stay) qofku waa in uu bixiyaa lacagtii uu bixin lahaa asigoo Sanad Over stay- ku joogey wadanka�. ogoowna maadaama aan wadanka si sharci ah kusoo galay, Visa ardeynimana aan wato Dowlada Pakistan, Mahadi haka gaartee, waxeey iigu tala gashey Fiisa lacag la�aan ah in la isiiyo inta waxbarashada iiga dhamaaneyso!!!�

Si dhibkaa Tiraanyada badan ee ardeygaa Soomaaliyeed iyo kuwa aad u farabadanba ku dhacay uusan ugu soo laaban kuwa Mustaqbalka imaanaya ama kuwa gudaha jooga ee daqiiqadan dhibkaa laga yaabo in uu heysto ayaa waxa muhiim ah in aan isla fahamno wadada sharciga ah ee waxaa oo dhib ah looga badbaadi karo waana tane si wanaagsan u dhuux walaal.

Wadada Saxda ah ee Ardeyga looga Baahanyahay in uu Maro si uu u helo Fiise uu wadankan kusii Joogo.

Ugu horeyn marka ardeygu wadanka soo galo waxaa looga baahan yahay in uu bisha ugu horeysa sameysto (Police registration Letter),warqadaa marka uu helo, waxaa muhiim ah in uu helo ogolaansho jaamacadeed (Admision Letter) iyo Kaarka Jaamacada (ID-Card), kabacdi wuxuu ka dalban karaa jaamacada waraaqda cadeyneysa in uu jaamacada wax kabarto loona yaqaan (Bonofide Letter), intaa ayuu wuxuu ku lifaaqayaa dukumiintiyadii uu Jaamacada u gudbiyey markii uu soo codsanayey, wuxuuna u dirayaa Safaarada Soomaalida ee wadankan asigoo min 3-Koobi ka sameynaya dhamaantood kabacdina iyada ayaa kuu dalbeysa warqadda muhiimka ah ee sheegeysa in wadanka aad waxkabaran karo: The N.O.C.(No Objection Certificate) -waa hadii aadan horey u heysane- markii aad waraaqdaa hesho,ayaa waxaad ula tageysaa Hey�ada Tacliinta sare (The High Education Commission), waxeyna kusiineysaa warqada Hey�ada tacliinta sare taasoo cadeyna in Fiiso Sanad ah lagu siiyo. Intaa kabacdi waxaad ka xareynkartaa Xafiiska Baasaboorada ee ku yaalada Magaaladaada. Bil ama ugu Badnaan labo bilood kabacdina waxaad heleysaa Fiisihii aad wadanka kusii joogi laheyd, isla markaana waa in aad sameysataa Police Registration Letter Kale. Ugu dambeyn waxaa muhiim ah in aad dalbato Fiisaha kan xiga 45-maalin ka hor inta Fiisaha uusan kaa dhicin.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor).
BBA (Horns), MBA (in Progress).
Karachi-Pakistan, Mobile:0092-3002477489
Email:
abdulkadirphd@hotmail.com

HEERARKA WAXBARASHO EE ARDEYDA SOOMAALIYEED LA YIMAADAAN WADANKAN PAKISTAN



Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah Allaha siiyo.

Intaa kabacdi. Iskastoo eeysan jirin cid tirakoob rasmi ah ku sameeysey ardeyda Soomaaliyeed ee wadankan Pakistan waxkabarata, hadana waxaa lagu qiyaasaa illaa Kun wax la jiraan (1000+) ardey. Waxeey aad ugu badan yihiin magaalooyinka kala ah: Karachi oo ah halbowlaha dhaqaale ee wadankan Pakistan, kuna dhanyihiin tasiilaadkastoo ardeyba u baahankaro. Waa magaalo eey aad ugu yaryihiin Somalida waxbarasho ama ganacsi la�aan iska joogta. Lahore ayaa iyana kusoo xigta marka la eego tirada ardeyda Soomaaliyeed ee wadankan waxkabarata. Sidoo kale Heydarabad ayaa kaalinta 3aad soo cariirsaneysa. Islamabad oo ah Caasimada aadna uga yar magaalooyinka aan horey usoo sheegey, aad ayeyna ugu soo jabeen Soomalidii rabtey in Qoxooti ahaan dibada loogu qaado, kuwaasoo ka kala yimid: Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Yugaandha iyo Masar xiliyadii sida aan caadiga aheyn wadankan Soomaalida looga xaabin jirey, dabcan waa wixii �11-September�ka horeeyey. Sidaa daraadeed inta waxkabarataa aad ayey uga yaryihiin inta camal la�aan iska joogta.Wey jiraan ardey ku firaarsan magaalooyinka kale sida: Beshawar, Quetta, Nawabshah iyo kuwa la midka ahba. Xaqiiqduse waxeey tahay; inkastoo Ardeyda Soomaliyeed badanaa magaalooyin gaar ah ku badan yihiin, hadana gobolkastaahiba ardey Soomaaliyeed ayaa wax ka barata oo joogta, maxaa yeeley waa wadan waxbarasho nuxur lihi taal aadna u jaban, ummadii sidaa u fahamsanna ey ka faa�ideysan karto. Waana Allaah mahadii.

Hadaan usoo laabto ciwaanka. Waa muhiim in waalidku ubadkiisu wax baro, si berri aan asaagii ugu xamaalan ama eysan u yasin, waliba waa muhiim in qorshaha waxbarashada ubadka u habeysan yahay sida: waqtiga iskuulka lageyn lahaa, da�da lagu geyn lahaa, illaa heerarkiisa jaamacadeed, si ardeygu awood ugu yeesho in uu sii higsado tacliinta sare ee heerarka kala duwan ee jaamacadeed. Waxaa muhiim ah in ardeyga marka horeba si wanaagsan looga soo dhiso tacliinta asaasiga ah ee: Dugsiga Hoose, Kan Dhexe iyo Midka Sareba, si ardeyga maskax diyaarsan asaagii wax kula qeybsado, mustaqbalkana u noqdo mid diintiisa, dadkiisa, dalkiisa iyo naftiisaba anfaca. Nasiib wanaag hadii ardeygu helo waalid aqoon leh waxey u badan tahay in uu helo hage khibrad u leh wadada ugu haboon ee ubadkaasi tahay in la marsiiyo ama uu maro, waxaa sidoo kale xusid mudan in eey jiraan waalid waayo aragnimo iyo waxgaradnimo darteed si dhab ah u dareensan muhiimada waxbarashu u leedahay ubadkooda iyo sida eey nolosha asaasiga ugu tahayba, sidaa daraadeedna naf iyo maalba u hura sidii ubadkooda wax u baranlahaayeen.

Aabe Soomaaliyeed waagiisii horena dhaqaale lahaa laakiin waqti ka daba yimid, waaya arag 14wadan soo mareyna ah, ayaa wuxuu damcay in uu ubadkiisa geeyo mid ka mid ah iskuulada wadanka ugu wanaagsanaa dagaalada kabacdi aadna qaali u ahaa,waxaa aad ula yaabay nin qaraabo dhow eey ahaayeen oo dhaqaale fiican markaa heystey, markaana odeygaaba uu u shaqeynayey. Ninkii dhaqaalaha lahaa ayaa odeygii ku yiri � War ninyahoow adigaaba nolol maalmeed la dirir ahe, maxaad labadan wiil kala dooneysaa iskuulkaa aadka qaaliga u ah, kuweenan (Ilmaheenan) ayaanba kala baqney anagoo kaa dhaqaale badane!?�

Aabihii Soomaaliyeed ayaa ugu jawaabey �Walaal dhaqaalaha Allaah ayaa bixiya, hadii Allaah isoo galiyana aqoontooda ayaan ku bixinayaa ,hadii kalase hade cidna eedi maayo, waxaanse kuu sheegayaa hadii xitaa jikadoodu u baahantahay waxbarashadooda ayaan ku bixinayaa si Ilmaheygu (Gabdho iyo Wiilalba) beri eysan ii dhihin AABAHEEN WAXBA MA UUSAN INA SOO BARIN!!!�. Nasiib wanaagse Aabahaa Soomaaliyeed ubadkii uu sidaa nafta ugu hurayey waxbarashadooda, waxey maanta ka mid yihiin ardeyda Soomaaliyeed ee Masters-ka ka dhameyneysa wadankan Pakistan. (Ilaahoow Aabahaa Jannatul Firtowsa ku abaal mari.Aamiin).ugu dambeyn. Heerarka waxbarasho ee Ardeyda Soomaaliyeed layimaadaan wadankan Pakistan, waxaan u kala qaadi karnaa Afar qeybood.

1-Qeyb tacliin asaasi ah oo dhameytiran leh

Nasiiib wanaag, Waxaa jira qeyb tacliin asaasi ah oo dhameystiran leh, Allaah-na fursadaa qaaliga ah usaamaxay in eey helaan, ayadoo waliba wadanku dagaal ahli ah ka dhacay, qaxna ummadii ku ridey. Waa Alle mahadiiye, Waalidka qaarkii ayaa ku mintidey in ardeygoodu meeshuu tagaba kasii wato waxbarashadiisa. Iskuulaad furnaa weyjireen markasta, haba ugu firfircoonaadaan iskuuladii Carabiga ku baxayey, xitaa ardeydii mudada qaxa ku maqneyd markii eey soolaabteen waxbarashada iskuulaad eey kasii wataan wey helayeen- waloow goboladu kala wanaagsanaayeen guud ahaan Soomaaliya-. Iskuulada khaarkood waxaa loo sameynayey ardeyda barnaamijyo waxtar weynaa sida: Khaas, Khaasulkhaas, iyo Tamhiid-kaba, kuwaasoo ula jeedada ugu weyn ee laga lahaa aheyd in ardeyga loosoo kabo waqtigii horey uga dhumey ee ka khasaarey intii dagaalada Ahliga ahi kacsanaayeen, ayadoo ardeyga uu si xowli ah u qaadanayo fasalada oo idil ayadoon labootinin ee meeshuu sanadba fasal dhigan lahaa, dhowr fasal ka gudbayo halkii sanaba, illaa leyska dabakeeno da�diisa iyo heerkiisa aqooneed.

Ardeyda wadankan soo gasha ayagoo leh tacliin asaasi ah oo dhisan, waa kuwa ugu tirada yar laakiin ugu tayada wanaagsan (The Most Brilliant) marka laga eego dhinackasta, gaar ahaan u diyaarsanaanta tacliinta sare, waana wax qofkastaahi fahmi karo, maxaa yeeley isku mid ma noqonayaan laba askari oo goob dagaal u wada socda, midna latagayo tababar hufan iyo qalab milatari oo casri ah, halka kan kale waxtababar ah aanu laheyn,! Dadaalkuse waa wax jira oo kaalin weyn ayuu ka cayaaraa guulkastaa oo shaqsi ama ummadi gaarto. Ardeydaa laf ahaantooda waxaa loo kala saari karaa laba qeybood:

A-Qeyb luqada eey wax kusoo barteen aheyd English, ha kusoo qaateen dhamaan tacliinta aasaaska ah oo dhan ama Secondary-ga oo kaliya�e. Hadiiba ardeygu sifiican uga dhisanyahay luqada English-ka iyo maadooyinka kala ah: Xisaabta, Biology-ga, Chemistry-ga iyo Physics-ka, waxeey u badantahay in uu guuleysto, Taqasus kastaaba ha doortee.

B-Qeybta 2aad ee ardeydan Base-koodu dhisan yahay ayaa ah, kuwa luqada eey wax kusoo barteen aheyd Carabi oo wadankan aan wax lagu baran. Ardeygii inkastoo tacliin wanaagsan uu la yimid wadankan, hadana weero Cilmiyeedkii (The Scientific Terminologies) oo dhan luqad kale ayuu kusoo qaatey, waa rafaad iyo dhib hor leh, maxaa yeeley inta aan tacliintii ula jeedaduba aheyd aan la gaarin, hadiiba dhibkaadu noqdo luqadii wax lagu baranayey ee Lecture-kuba ku baxayey. Inkastoo eey jiraan ardey qeybtan ah oo si gaar ah machadyada Englishka laga barto isaga soo dhisey Luqada English-ka, dal iyo dibad meeshuu rabo haku yaallee.

2-Qeyb tacliin asaasi galabgalab ah leh

Qeybtan Ardeyda ah, waa kuwa aan soo marin tacliin dhameystiran. Waa kuwa qaab bood bood ah wax kusoo bartey. Qaarbaa Dugsiga Hoose ama Dhexe uga soo tagay waxbarashadii. Kuwo kale ayaa Dugsiga Sare uun soo qaatey. Qaarna fasalka Dugsiga Sare ugu dambeeya oo kaliya ayey soo fariisteen.

Wadanku markuu burburey, ninkastaahiba wuxuu yaqaaney ayuu ku shaqeysi tagay, ayadoo qaarba sida eey u arkaan in eey sax tahay ugu shaqeysanaya. Waa xaqiiq in waxbarashadu noqotey dagaaladii Sokeeye kabacdi, mid ka mid ah ganacsiyada ugu waaweyn wadanka, maadaama dowladi eeysan dabataagneyn. Waxaa jirey iskuulaad qaabkii tacliinta lagu yaqaaney wax kuwaday, halka qaarkoodna hadba sida ugu fudud ee lacag eey ku kasban karaan marba u weecinayeen qaabka eey wax u barayeen Ummada. Waxaa jirey iskuullo imtixaanaad qaada ayagoo isu eegaya da�da ardeyga iyo aqoontiisa, fasalka uu u qalmana sidaa ku fariisiya, ayadoo aan ardeygaa iyo waalidkii dhalay midkoodna la qayaamin oo aan been loo sheegin, ayadoo la fariisinayo meel uusan aqoon ahaan gaarin.

Nasiib darrase waxaaa iskuuladaa wanaagsan barbaryaacayey, iskuullo kale oo imtixaan inta qaada, adoon waligaaba fasalba arag toos Dugsi Sare kuu fariisinaya oo halkaa kaaga bilaabaya.

Waxaa jirey ardey iskuul dhiganayey oo 2-jeer ku dhacay fasalka 6aad ee Dugsiga Hoose (waa tiiba Carabigee: Saadis Ibtidaa�I) ee mid ka mid ah Iskuulada wadanka ku yaalla. Waa laga bixiyey iskuulkii uu ku dhacay, wuxuuna imtixaan u galay iskuul kale. Waxaa la fariisiyey fasalka ugu dambeeya ee Dugsiga Sare ee iskuulkii kale! -laga yaabe in iskuulkaa uusan heysan markaa ardey u fariisata fasalladaa Sare!- ardeygii halsano kabacdi wadankan Pakistan ayaa looga gadey Boos Caafimaad ah, lagana bixiyey dhowr kun oo Dollar. Dabcan maaha maado eey sahlantahay barashadeedu, laakiin waalidkoo lacagtaa iska bixin karayey, ayey taladu sidaa la noqotey. Waxaa ardeygii la geeyey mid ka mid ah jaamacadaha Caafimaadka ee Pakistan kuwa ugu wanaagsan ee aan ogoleyn wax �Laalaab�ah, oo hadii buundooyinkaadu ka hoosmaraan xad hore loo cayimey ama maadooyinka lagaaga baahnaa in aad ku baasto aad ku dhacdo, markaa jaamacadaba lagaa eryayo. Nasiib daro! Mudo aan sidaa usii badneyn kabacdi, dib ayaa Soomaaliya diyaarad loogu Saarey ardeygii kadib markii jaamacadii laga soo eryey. natiijaduna waxey noqotey: Lacag, Waqti iyo Mustaqbal qasaarey. Sayidku wuxuu beyt ku yiri �Nin Rag ahey Dardaaran u tahee Doqoni yeelkeede�.

3- Qeyb aan wax tacliin asaasi ahba laheyn laakiin siyaabo kale isu soo dhisey

Duruufaha aduunyadu kala duwan, qofwalbana si ayuu u qaabilaa. Dadka qaarkii ayaan helin waalid wax bara intii eey yaraayeen, sabab ha u ahaato waalidkoon awoodin oo nolol maalmeedkaba kabadin waayey, ama in eysan fahamsaneynba muhiimada aqoonta. Qaar ayaaba baadiye uga soo tagay waalidkood oo magaalada ayaga uun isku haayey intii eey ka weynaanayeen. Noloshii hore sidii eey rabtaba haku soo martee, kooxdan markii eey weynaadeen ayey fahmeen in eey asaagood waxbarasho wax kula qeybsadaan. Waqtigii Dugsi Hoose ama mid Dhexe la fariisan lahaana laasoo dhaaf oo Gar iyo Shaarbo ayaa la yeeshey (waloow aan aqoonta laga weynaan), waxeey galeen iskuulada la iskaga dhiso maadooyinka Seyniska iyo Luqadaha. Gudaha wadanka ama Pakistan markii eey yimaadeenba ha is dhisaanee. Waloow badanaa aad qeybtan ku maqleyso hebel maadadii ama taqasuskii wuu iska badaley, hebelna jaamacadii wuu kabadashey oo tukale ayuu bilaabey, hebelse jaamacadii markuu mudo la xarbinayey ayuu isaga tagay. Laakiin xaqiiqdu waxeey tahay, Inkastoo Base-kii ka maqanyahay hadana waa nin iyo dadaalkii.

4-Qeyb tacliin asaasi ah iyo isa soo dhisid kale toona aan laheyn

Qaarka ugu daran waa qeybtan nasiib daradu ku dhacdey ee aan laheyn wax tacliin asaasi ah, ayaguna aan private-yada leyska soo dhiso aan soo aragba. Waa nasiib darro waalidkii ubadkooda iska heystey illaa eey ka noqonayeen 20jirro, ayagoon maalinna iskuul geyn, ama aan ku cadaadin hadey diideen xitta waxbarashada.

Bal Akhristaha sharafta badanoow qisadan ila dhuux duruusta farahabadani eey ku jirto. waxaan maqli jirey �Waa yaabka yaabkiise, horta wiilka yaa dhalay�. Akhristoow Ardey waalidkii ka mid yihiin Ganacsatada waaweyn ee wadankeenii, ayaa waxey wiilkooda usoo direen wadankan Pakistan, si uu jaamacad wax uga soo barto! Ardeygaa waligii lama geyn wax iskuul ah, marka laga reebo private uu isticmaalka Kumbuyuutarka dhowr bilood ka dhiganayey. Markuu Pakistan yimi ayuu xaqiiqsatey in eeysan talo wanaagsan aheyn in uu shafka ku qaado jaamacad. Wuxuu go�aansadey in uu bal iskuul is geeyo. Iskuul aad u wanaagsan ayuu tagay, imtixaan ayaa laga qaatey, waxeey aqoontiisa u qalantaa ayey yiraahdeen: 5aad �ogoow ardeygaa jaamacad ayaa waalidku usoo direene!- Waxaa maamulkii soo jeediyeen in aan la fariisin Karin 5aad, maxaa yeeley wuxuu noqonayaa OWR la dhexfariisiyey WAXARO! ardeydaa aadka uga yaryar darteedna aqoonta ayuu aad ugasii niyadjabayaa dabcan wuuna isku buuqayaa, sidaa daraadeed waxeey yiraahdeen waxaan fariisineynaa 9aad oo qaar la muuqaal ahi dhigtaan. Nasiib darrase ardeyda fasalkaa fadhisa hala muuqaal ahaadaane aqoontana makalasimanyihiin!? Waa ardey fasalka 1aad ka hor sadex fasal soo marey, markii eey jireen Labo sano iyo barna qaarkood iskuul lagu bilaabey. Waa ardey maadooyinka eey ku qaadanayaan fasalka 9aad waligood soo arkayey oo maalinba wax loogu kordhinayey. Nasiib darase walaalkeen meelkale oo da�diisa darteed la fariisin karo ayaa loo waayey sidaa ayuuna ku yimi fasalka Sagaalaad. Macallinkii soo galaba wuxuu ka bixiwaayey horey ayaan usoo qaadaney casharkan! Meel hiblaayo ayaad kusoo aragteen casharkan! wixii kalana sharaxaad yar markuu ku taabtaba Ardeyda ayaa waan fahamney!!! ugu jiibisa macallinka. Aydeygii wuxuu muuqaal ahaan sii dhamaadaba fikir joogta ah dartii, wuu u adkeysan waayey, Mudo kabacdina wuu iskaga tagay iskuulkii. Xogaa markuu waxbarasho la�aan joogey, waalidkuna �heerkee ayaad waxbarashadii ka mareysaa?� leeyihiin ayuu nasiib daro wadankoo idilba isaga tahay. Ugu dambeyn, Waxaan rajeynayaa in waalidka iyo inta rabta in eey si dhab ah wax u bartaanba eey ku cibro qaadan doonaan qisadan.

Wabillaahi Towfiiq

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor).
BBA (Horns), MBA (in Progress).
Karachi-Pakistan, Mobile:0092-3002477489
Email:
abdulkadirphd@hotmail.com


CAQABADAHA KALADUWAN EE KU QABSADA ARDEYDA SOOMAALIYEED WADANKAN PAKISTAN

Hordhac

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah Allaha siiyo.

Intaa kabacdi. Waa wax qofkastoo caqli lahi fahmi karo in mar hadiiba aad ka tagto Wadankaaga aad la kulmeeyso, Caqabaad kala duwan oo laga yaabo in aadan kula kulanteen Wadankaadii Hooyo. Laakiin xaqiiqdu waxey tahay, inkastoo qofkastaahi jeclaan lahaa in uusan waalidkii, walaalihii iyo qaraabadiisa uusan ka dheeraan, hadana danta ayaa nawada qasbeeysa �Ileyn Dani Waa Seetee�, danahaasi ha ahaadeen kuwo Waxbarasho, kuwo Nolol-doon ama kuwo Ganacsi intaba, dabcan waana wax lagu qasbanyahay in lagu sabro si ula jeedadii looyimi loogaaro. Caqabadahaa oo aad u badnaankara bal inta ugu muhiimsan ee Ardeyda Soomaaliyeed Ku qabsata wadankan Pakistaan aan isla eegno. Waana kuwan soo socda.

  1. Cimilada Wadankan Pakistan

    Hanfi iyo Kuleyl iyo
    Baraf ma leh dhulkeenuye
    Inaga haleyne

Xaqiiqdii wadankeennii Soomaaliya wanaaga ilaah ku manneystey waxaad si dhab ah u dareemi kartaa marka aad banaanka uga baxdo ee wixii aad u baratey wax ka duwan aragto. Ileyn waatii la yiri �Qorixi markii eey dhacdo ayaa la ogaadaa wixii eey heysey�

Wadankan Pakistan cimiladiisa marka loo eego kan Soomaaliya aad ayuu uga duwanyahay guud ahaan, laakiin Soomaaliya lafsad ahaanteeda ayaanba isku cimillo aheyn, oo gobolada qaar ayaa kuleyl dartii magaalooyinka looga Xagaa-Baxaa, waqtiyada Qaboobuhuna dhaxantu aad u daran tahay gaar ahaan: Gobollada Waqooyi-Bari iyo Waqooyi, xattaa Gobolada Dhexe qaarkood ayaan cimiladoodu sahlaneyn. Guud ahaanse Soomaaliya waxaa la dhihi karaa waa wadan cimilo wanaagsan, inkastoo Baaruuda hubka oo dhowr iyo tobanka sano hawada laga buuxinayey iyo Suntii Nuclear-ka ee Xeebaheena sida Arxan darada ah loogu shubey, eey maalinba maalinta ka dambeysa cimiladii sii xumeynayaan, ayadoo cudurro aan horey loo aragna soo ifbaxayaa.

Wadankan Pakistan sidoo kale magaalooyinkiisa isku cimillo maaha Xaqiiqdii, tusaale ahaan Karachi oo ardeydu ka qeylineyso Kuleyl iyo Qabowba, ayaa hadana ah meesha ugu roon, iyada laf ahaanteedana waqtiyada qaboowga ah Heater ama Buste la�aan qofkii seexda wuxuu halis u yahay in dhaxani gasho. Waqtiyada Kuleylkana hadii Daqiiqad Korontadu tagto dadku weey isla wada da�ayaan Dhidid dartii, mararka qaarna ayadoo korontadu joogto ayaa hawaduba ku dhibeysaa Nohda ama Hanfiga dartii. Bal ka waran magaalooyinka qaar oo laamiyadu dhalaalayaan waqtiyada kuleylka! noloshuna cariiri galeyso qofkii aan gadan Karin Air-condition (Mukeyf) waloow uu jiro mid Soomaalida u bixisey Abuu-Jawaanle oo raqiis ah. Waqtiyada qaboowgana Heater la�aan noloshu xaqiiqdii wey adagtahay hadii qofku uusan gadan Karinse waa Dan, waxaase hore loo yiri �Taako lama guuree Tabarbaa laguuraa�

Meelaha qaar ayaa ardey lagu soo qorey waxeey dantu ku qasabtey in eey sanadkoo dhan magaalooyinkale daganaadaan oo duruusta ku diyaariyaan, imtixaanaadka oo kaliyana u yimaadaan, kuleyl xadkabax ah dartiis, dumarkuba ha usii darnaadeene.

  1. Luqada Urdu-ga

Luqada Urdu-ga ayaa iyana ah caqabadaha ugu waaweyn ee Ardeyda Soomaaliyeed kala Kulmaan Wadankan Pakistan guud ahaan, gaar ahaana dhinaca Waxbarashada haba ugu badnaadeen kuwa dhigta jaamacadaha dowlada (Public Universities). Sida la wada Ogsoonyahay luqadu waa furaha aad ku dhexgali laheyd, ku fahmi laheyd, waxna kula qabsanlaheyd, ummada aad wadankooda timid, hadii aadan waqtiga ugu horeeya ee wadankaa aad timid aadan barashadeeda horey ka bilaabina waxeey kugu noqoneysaa caqabad weyn oo ku heysatada inbadan oo wadankaa aad joogto, taasoo waxqabsi farabadana kaa hor istaagta. Soomaalida oo caan ku ah in eey meelo gaar ah wada dagaan meeelkastoo Aduunka la tago, ayeey adagtahay in Urdu-ga aad si sahlan ku barato, madaama inta badan aad Af-Soomali ku hadleyso, wixii kasoo harana Englsh, baahi sidaa u weyn oo dhinaca Urdu-ga ah dareemi meysid inta badan, gaar ahaan marka ardeyga Banaanka Soomaalida la daganyahay oo uusan Hostel daganeyn. laakiin Dhibka ugu weyn wuxuu heystaa ardeygii sidaa jaamacad Dowladu leedahay ku taga asigoon Urdu-ga fahmeynin, maxaa yeeley ardeyda oo Pakistan u badan, Urdu-gana wada fahmaya ileyn waa Luqadoodiiye iyo ardeygii Soomaaliyeed oo kaligii fasalka ku ah ama fasalka tira aad u yarba ka noqnayaan, ayadoo macalimiinta qaarkoodna eeysan sidii eey rabaan wax English ugu sharxi Karin, hade soow dhagax meel la dhigey oo kale xiisada dhexfadhi maaha! Aydeyda Soomaaliyeed ee ka qalinjabiya jaamacadaha wadankan xitaa Urdu-ga ayaa ka mid ah waxyaabaha eeysan shaqada uga dhex helin wadankan, maxaa yeeley macaamiisha shirkada(Customers) waa Pakistaan, English-kana ummadu ma wada taqaan, hadii aadan Urdu-ga ku fiicneyna hade waxaad tahay qof meel weyn la�. Waxaa muhiim ah in aan tilmaamo in wadankan Shaqadu aad ciriiri u tahay Shacabkoo aad u badan dartii (152Million Peaple) oo �maxaad taqaan�(Qualifications) inta wax ku heshaa eey aad uga yar yihiin inta ku hesha �Yaad/Kumaad taqaan�(Contacts).Marka Ajnabi jaaniskii wuu yaryahay, Nasiibkuse wuu jiraa.

  1. Kireysashada Guryaha

Qofka marka uu wadan cusub tago hadii uu kaligii ku yahay wadankaa oo cidna eeysan u joogin waa in uu hotel degaa inta uu deegaan rasmi ah ka helayo, hadiise uu yahay ardey jaamacad Hostel leh u yimid, Hostel ayaa u diyaar ah ama si marti ahaan ah ayuu ardey kale oo eey is garanayaan ulasiidagayaa. Laakiin ardeygii aan hostel rabin wuxuu ku qasbanaanayaa in uu guri banaanka ka kireysto, maxaa yeeley nolosha Hostelka wey ka adagtahay nolosha Banaanka, sabantoo ah sida ka jirta Jaamacadaha qaar, martida kuu timaada waa in aad diiwaan galisaa, mudo go�an ayuuna kulajoogi karaa qofka martida kuu ah, waqti go�an ayaa lagu soo xaroodaa Hostelka, hadii aad soo daahdo habeen waxaa lagaa qorayaa: magacaada, Hostel number-kaada, room number-kaada, hadii habeenkaa wax dhacaana dadka ugu horeeya ee loosootaagayo ayaad ku jirtaa. Jaamacadaha qaar isla marka aad dhameyso waxaa lagu siinayaa maalmo go�an in aad uga guurto, �Guri kale hel ama ha heline�. Dhinaca Cuntada Hostelka miis cuntada ardeyda loogu kariyo ayaa jira, laakiin dadkan oo Bisbaas cunida ku waalan, kaaga sii darane bisbaaska waxa si xad dhaaf ah loogu kariyaa Suugada ee sida Soomaalidaba sameyso hadii weel gaar ah lagu cunayo waxba ma dhibteen, wax lalama cuni karo Pakistaanta bisbaaskaa Awgii. Hadiise ardeydu badan yihiin waa macquul in eey miis gaar ah sameystaan Sida: Miiska Cuntada ee Soomaalida.

Dhinaca kale ardeygii u yimaada jaamacad aan hostelba laheyn, wuxuu isna ku qasbanaanayaa in uu guri banaanka ka kireysto.

Hadaba; Guryaha sida looga kireysto wadankan Pakistan aad ayey uga duwan tahay qaabkii Soomaaliya looga kireysan jirey. Wadankan marka aad guri kireysaneyso waxaad ubaahantahay waraaqaha ogolaanshaha degitaanka (Residential Permit), waxaa lagala xiriiraa niman howshoodu tahay in eey ummada u kala kireeyaan una kala gadaaan guryaha (State Agents). Milkiila kastaa ee guri leh wuxuu xiriir la leeyahay nimankan guryaha kireeya, si gurigiisa uu kiro ugu helo, dhinaca kale nimanka guryaha kireeyana iyana waaba Ganacsigoosa oo dhaqaale ayey ka helaan markastoo guri eey kireeyaan, ayagoo waraaqahaana u kala sixiixaya labada kooxood. Dhibaatooyinka ka jira ayaa waxeey tahay in guryaha qaar aan Ajaanibtaba laga kireyneyn, oo marba hadii lagu arko in aad Ajnabi tahay lagu leeyhay �Sorry!� hadiise laguu ogolaado waxaa kusii horyaala caqabad kale oo ah: ma Qoys (family) ayaad tihiin mise �Rag� Doobab ama Iskaabulo? Mar hadii aadan aheyn dumar iyo rag iswata wey adagtahay sida lagaaga kireeyo guryaha qaar. Waa cajiibe! Soomaaliya ayaa waxaan ku arki jirey dadka guryaha leh oo hadal ka bilaaba �Walaal ma ilmo ayaad wadataan?� oo hadii jawaabtaadu noqoo �Haa� eey adagtahay sida guryaha qaar aad ku hesho, ayagoo ka cabsanaya in Ilmaha guriga darbiyadiisa ka jajabiyaan, Khad ama Hanqaas ka buuxiyaan I.W.M. Qoysaska Doorooyinka (Digaaga) qabana hade kumaba siijiraan. Milkiilayaashaasi Soomaaliyeed waxeey aad usoo dhaweeyaan Qoysaska aan Ilmaha wadan iyo raga aanan Xaasaska laheyn. Xaalka wadankan Pakistan-se waa Caksi (The Opposite), maxaa yeeley hadii Soomaaliya guryaha loo baqayey �Halkan waxkalaa loo baqayaa� maxaa yeeley guryaha wadankan Pakistan waxeey u badanyihiin fooqaq dhaadheer (Flats) oo leyn leyn ah, hade Soolane aan ilaah ka cabsaneyn iyo Dumar iska Indha dhaadheer halisteeda ayey leeyihiin, sidaa daraadeed waxaa horeyba loo yiri �Biyo inta eeysan kusoo gaarin ayaa leyska moosaa�, hade xaalku soow noqon maayo gurigaada marka horaba iskaabulo haka kireyn. Mararka qaarna milkiilaha guriga oo kuu ogol ayaa waxaa kuudiidi kara niman Amniga iyo Nadaafada u qaabisan qeybtii Fooqaq ahba, nimankan oo lagu magacaabo Union kuwaasoo bilkastaa lacag dhan: $3-$4(Rs: 200/ to Rs250) ka qaada gurikasta. Waloow cadaalad darana eey ka jirto meesha, maxaa yeeley dumarka iskaabulada ah waa loo ogolyahay (ma Faa�iidaa!) halka raga iskaabulada ah looga diidayo (Kuwanse ma qasaaraa!)�

Maadaama guri hal ardey kaligiis uusan kireysan Karin �sida caadiga ah� wixii Ijaar (Kiro) iyo Bills ah sida: Korontada, Gaaska, Biyaha, � uusan la kali noqon Karin, ardeydu weey is baheystaan, hadba sida eey isu fahmayaan. Hadii la ogolaado in la idinka kireeyo guriga, howsha intaa kuma dhamaane waa in aad lacag farabadan oo Hormaris ah (Advance Payments) bixisaan, taasoo lagaa siiheysanayo inta aad guriga ku jirto. Waxaad sidoo kale isku dareysaa lacagta bisha ugu horeysa ee ijaarka iyo Bil lacagteed oo aad siineyso nimankii guryaha kireynayey (State Agents), waa sadex qarash oo is dhinac ordaya hal marna lagaa rabo in aad wada bixiso. Kadib ayaad u tageysaa guri qalli ah, waa markaa Boorka ka jaf oo dhaq kadibna nalalka iyo fanankaba(Marwaxadaha) adiga ku dhagso, maxaayeeley cidkastaa oo ka guureysa guri Alaabtii eey markii hore ku dhagsatey weysii fujisaneysaa.

Dhinaca kale, marka aad ka guureyso guriga waa in aad ugu yaraan �Hal Bil ka hor� garsiisaa digniin milkiilaha guriga, si lacagtii uu kaa heystey uu kuugu diyaariyo, Nasiib darrose! waxaa badanaa dhacda in aadan lacagtii sideeda u heleyn oo qasab eey noqoneyso in wax uun lagaala haro, mararka qaar waa wax xoog u eg, mararka qaarna waa sababo aan ku qancineyn. Inkastoo eey jiraan dad wanaagsan, Allaahna kacabsanaya oo waxkastaa wanaag ku dhameeya hadana Nasiib darro marka Lacagba howshu mareyso dadkaas aad ayey u yaraanayaan.

  1. Cuntada iyo Cabida

Cuntada

Mar hadaad Soomaaliya kasoo tagto Pakistaana timaado, Canjeero (Laxoox) iyo Cambuulo (Digir la kariyey) ama mida duban waa Falfaliir-kee ma heleysid, Hilib aad Gacanta iyo Gowska kula dagaalanto iyo guud ahaan cuntadii aad garaneysey ee aad kusoo kortey jecleydna warkeedaba daa. Waxaa kasii daran waxaa si joogta ah looga cunaa hilibka Dooro (Digaag) �Gacan ku Rimis� ah, waana waxa u sabab in dadka intooda badan Ilko beelaan halkan, waa macquul in dad ayagoo ilka qaba kaasoo tagey, kuu yimaadaan iyagoo Af-Dulaaqsan!. Waxaase waxkasta kasii daran sheykasta ee aad damacdo in aad meel ka iibsato ee aad cunto waxaa ka buuxa Bisbaas wadankanna looga yaqaan (Masalla ama Marjii). Ardeydu isku mid maahee, qaar ayaa qoys ah oo Gabdho Soomaaliyeed wax u kariyaan kuwaas waa Nasiibsadeen, laakiin Ardeyda kalee Iskaabulada (Salbateer) ah ayaa xaajadu kusoo hareysaa, waloow ayaga lafsad ahaantooda loo kala qaadi kari laba qeybood:

A-Qeyb qof wax u kariya kireystey oo bishiiba Qarash iska bixisa. Ardeydaas ha ahaadeen kuwo cuntada karsan kari lahaa laakiin iska daayey maadaama eey tahay wax aad u dhib badan in aad cunto Karin gasho adigoo Jaamacad ka yimi, waloow halkan aan Dhuxul la afuufeyn sidii Soomaaliya oo kale oo Gas wax lagu karsado. Kuwo kale ayaa jira oo cunto Karin meel laga maraba aan garaneyn �Waa dhib badanaa wadankan iyo guud ahaan Qurbaha ku qabsada dhalintee, gaar ahaan wiilkii Hooyadii dhowr gabdhood u dhashay, haduu MADI yahayna gabdhana la dhasheen warkiisaba daa�

B-Qeyb iyaga Cuntadooda karsada ha yaqaaneen sida wax loo karsado ama waxooda ha iska walaaqdeene, kuwaasoo mararka qaar ka caajisa jikada. Cunto maqaayad loo aado wadankanna waxaa ugu caansan uguna macaan Bariis si cajiib ah loo kariyo oo lagu magacaabo (Biryaanii), laakiin Bisbaas ayey raaxada uga qaadaan taasoo Ilmo, Dhidid, Hingo iyo Madax Cuncun aad ku waalaneyso, gaar ahaan haduu Jaalle (Huruud) yahay, qofkii xaalka fahmaya wuxuu ka dalbadaa midka Cad si basbaaska uu uga badbaado, xoogaase lagu darey kan Jaalaha ah, maxaa yeeley isagaa Suugadii oo dhan la socotaa. Wax kale iska daaye Nac-nac iyo Jallaato Bisbaas ka buuxo yaa arkey waayaabe!. Gabyaagii wuxuu yiri �Nin Aduunya Joogoow Maxaa Aragti kuulaaban, Aakhira nin aadoow maxaa lagu ogeeysiiyey

Biyaha

Biyaha caadiga ah ee ka qulqulaya tubooyinka wadankan maaha kuwo la cabi karo caafimaad ahaan, maxaa yeeley tubooyinka biyaha soo qaada waxey soo dhexmaraaan Bullaacado (meelaha eey ku ururaan wasaqda Musqulaha). Waxaa jira Tubooyin Daxaleystey, dulduleeshadeyna oo meelo laga kabkabey, laakiin �Wixii� eey isku darsoomayaan, gaar ahaan magaalooyinka Qadiimiga ah. Wey jiraan dad iska caba waana waxa aad inta badan u maqleyso tiro aad u badan oo Bukaan ah, lana leeyahay Kilyaha ayaa istaagey ama shaqadiiba joojiyey sidaa daraadeedna u dhinta.

Dhinacakale dadka wadankan in badan joogey waxeey soo iibsadaan Digsiyo waaweyn oo eey biyaha ku karsadaan, waa sida aad ku heli karto biyo Saafi ah oo caafimaad ahaana leysku halleyn karo, intii aad rabto karsee firinjeerka ama Talaajada iska gasho weeye, dabcan qarashka aad ayuu u badanayaa hadii la yiraahdo biyaha Miyosaxada ama �Meneral Water-ka� ayaan cabeynaa inta wadankan aan joogno. Dadka qaar ayaa iska soo gata biyo laga tayo wanaagsan yahay oo Caagag Toban Liitar qaadyo ah ku jira, kuwaasoo la siisto $0.25 (Rs: 15/) laakiin waxaa la cadeeyey in eeysan aheyn biyo leysku halleyn karo maxaa yeeley tubooyinkaa ayeey Filters uun ku xiraan sidaana lacag ku raadiyaan.

Soomaaliyaba meelaha qaar ee aan biya galintu gaarin, waxaa dadka biyaha u keena Gaari-Dameer, kuwaasoo Fuustooyin ama Caagag waaweyn biyaha kuugu shuba. Waxaa nasiib darro ah marka uu ku gadinayo biyaha fuustadii ama caagii weeynaa labada Wadaan-Caageed mid ka uusido maahane kan kale dhulka ayuu sii dhigayaa caradii iyo qoyaankii salka uu ku watey ayuuna kuugu hoorinayaa weelka, taasoo halisteeda leh. Hadiise nasiibkaada ilaah ka dhigey inta biya galinta sanadihii dambe ganacsatada Soomaaliyeed eey wadeen soo gaartey waa badbaado weyn, maxaa yeeley malaha tubooyin meela dhaadheer ka imaanaya oo bulaacadana soo dhexmaraya, meelo aan dheereeyn ayeyna ka imaanayaan maxaa yeeley ganacsade kastaa aag ayaa u xiran (waa ganacsiga qaabta daran ee dagaalada laga dhaxlaye).Waase laga baxayaa Insha Allaah.


Wabillaahi Towfiiq

    W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor)

    BBA (Horns), MBA (In progress)

SIDEE LAGU HELAA SHAHAADADA TACDIILKA AMA ISBARBARDHIGA (THE EQUIVELENCE CERTIFICATE) EE WADANKAN PAKISTAN?

Qore: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan �Cabdi Boqor�

HORDHAC/GOGOL DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah Allaah ha siiyo.

Intaa kabacdi; Shahaadada Tacdiilka (The Equivelence Certificate) ayaa ah, shahaado ardeyda Soomaaliyeed si aad ah eey ugu wareereen, waliba qaar mustaqbalkooda waxbarasho Mugdi weyn galisey oo gilgishey dhab ahaan, illaa maantadan lajoogana ardey aad u farabadan ayaa ku wareersan Shahaadadaa Muhiimka ah. Nasiib wanaag! Waxaan isu xilsaarney in aan baaritaan xoogan ku sameeyno dhibka jira, si aan u ogaano waxa keeney, waxa gaarsiiyey meesha uu gaarey iyo Xalka arintan jiqda isku ah ee madaxa isla gashey, taasoo Alla mahadiis Nasiib wanaag aan soo helney! Ugu dambeyna waxaan usoo gudbineynaa Xalkaas loo wada ooman yahay ummadweynta Soomaaliyeed si looga faa�ideysto. Waxaana Allaah ka rajeyneynaa in Waalid farabadan iyo ardeydooduba warbixintan xaqiiqdii Utun ama Mariid ku taagneyd ka siibi doonto, Duco hal haleel ahna inoo duceeyndoonaan. Anigan qorey, intii iga caawisey iyo website-kan qiimaha badan ee ummada wanaagan usoo gudbinaya, ajar iyo xasanaad aan lasoo koobi karinna Allaah uu inaga wada siiyo.Aamin

WAXA EEY TAHAY SHAHAADADA TACDIILKA AMA SHAHAADADA ISBARBARDHIGA (EQUIVELENCE CERTIFICATE}

Hadii aan marka ugu horeeysa qeexno ama tacriifino (The Defenition) Shahaadada Tacdiilka ama Shahaadada Isbarbardhiga (The Equivelence certificate), waa shahaado cadeyneysa in shahaadada ardeygu kala yimid wadan kale eey la mid tahay tan laga qaato wadankan Pakistan ee ardeygu uu doonayo in uu waxkabarato. Shahaadadan ardeygu wuu u baahan yahay marba hadii uu Shahaadooyinkiisa dibada kala yimid, rabana in uu wadankan Pakistan waxbarashadiisa kasii wato. Shahaadada ardeygu uu wato waxeey noqon kartaa mid Dugsi sare, ama mid ah heerarka kala duwan ee waxbarashada jaamacadeed.

Shahaadadan Isbarbardhiga ama Tacdiilka waxaa loo kala qaadaa labo qeybood. Waa mida Koobaade ardeyda wadata shahaadada Dugsiga sare, taasoo eey kala yimaadeen wadan aan Pakistan aheyn, waxaa loo sameeyey meel u gaar ah oo eey ka doontaan. Qeybta kale waa ardeyda wadata shahaadooyinka kala gadisan ee jaamacadeed iyana waxaa loo sameeyey meel kaloo aan aheyn isla xaruntii hore, inkastoo labada waaxoodba eey isla hoos tagayaan kana mid yihiin Hey�ada Tacliinta Sare ee wadankan Pakistan ee loo yaqaa (Higher Education Commission �HEC�).

Ardeyda dooneysa in eey jaamacad ka bilaabaan wadankan Pakistan, waxaaa looga baahan yahay in eey soo qaataan waxbarashada asaasiga ah ee ka kooban 12-ka sano �12- years of formal basic education� taasoo kala ah: Dugsiga Hoose , midka Dhexe iyo Kan sareba. Maadaama ardeydaas eeysan wadankan ku qaadan 12-kaa sano ee waxbarasho, waa in eey heeystaan shahaadadan cadeyneysa (The Equivelence Certificate) in eey soo qaateen waxbarasho 12-sano ah, waliba 12-kaa sano la midtahay 12-ka sano ee waxbarashada asaasiga ah ee wadankan Pakistan laga qaato. Shahaadadaas waxeey ka saacideysaa ardeyda in eey si dhib la�aan ah loogu ogolaado waxbarashada jaamacadeed ee wadankan Pakistan, una noqdaan ardey u qalanta �Qualified� waxbarasho Jaamacadeed.

DHIBKA MARKII HORE KATAAGNAA SHAHAADADA TACDIILKA AMA ISBARBARDHIAG

Xaqiiqdii in Mudo aheydba dhib weyn ayaa ka taagnaa helidda Shahaadadan. Ardey aad u farabadanna waa eey ku rafaadeen, qaar ayaa iyagoo jaamacada dhamaad u mareyso kusigteen in Shahaadadaa darteen loogaba eryo gabi ahaanba waxbarashadii jaamacadeed. Illaa iyo hadana ardeybaa qarka u saaran in laga joojiyo waxbarashada jaamacadda. Ardey kaloo jaamacaddii dhameeyseyna waxaa laga xayirey oo loo diidey Shaahadadii jaamacadeed (The Degree) laguna yiri illaa aad keentaan shahaadada tacdiilka, cidiba idin siinmeyso Degree-giina.

Waxaa is weydiin mudan; hadii waqtiyadii hore Shahaadadan iska sahlaneyd helideeda maxaa keeynay in laga joojiyo Soomaalida siinta shahaadadan? Waxaa loo aaneeynayaa dhowrkan arimood ee soo socda:

1-Niman Si Khaldan u fikirey: Marka aan leeyahay niman si khaldan u fikirey, waa sax maxaa yeeley hadii akhristoow sida eey u fikireen sababtey in ardeyda Soomaaliyeed dukumiintiyo eey heli jireen, gabi ahaanba waayeen oo loodiidey, soow fikirkooda ma qaldana? ayaguna soow kuma sifoobayaan niman si khaldan u fikirey? Jawaabtu waa haa. Mudo markii xafiisyada Pakistan u qaabilsan dukumiintiyada ardeyda Ajaanibta ah Soomaalida ku wareersanaayeen, ayaa waxaa eey madaxdii Pakistan-ta aheyd ee qaabilsaneyd howlahan weydiiyeen ardeydii Soomaaliyeed iyagoo dhahaya �waxaad inoo keentaan ardeydiina Soomaaliyeed bil gudaheed shahaadooyin eey ku kala saxiixan yihiin boqolaal waziir oo midkastaba saxiixiisa u gaaryahay, ee waziiradiinu ma maaliskasta ayaa la badalaa mise wax weyn ayaa si idinka ah? Hadii aan si kale u dhahno micnuhu waa �Ma Foojiriisteyaal baad tihiin?� Guuxa markii uu batey ayaa waxaa Xafiisyada Dowlada tagay Koox is wadata, waxeeyna u geeyeen shahaado gaar ah, waxeey u sheegeen mida eey wataan in eey tahay tan kaliya ee saxda ah, taasna eey noqoto mida eey tahay in eey aqbasho Dowlada Pakistan, waxa kalana eey yihiin wax qaldan oo aan sax aheyn gabi ahaantoodaba, lana soo wadafarsameeyey, sidaa daraadeedna eey qashinka ku daraan. Ogoow akhristoow! Talaabadaas khaldan ka hor ardeyda Soomaaliyeed waxeey geeysan jireen shahaadadii eey wataan, ha ahaadeen shaadooyinkii Dowladii ka horeysey buburka, ama shahaadooyinka Iskuulada waqtigan shaqeeya, iyo hey�adaha eey ku bahoobeen intaba sida: FPENS. Natiijadii waxeey noqotey in Shahaadadii eey la gulfinayeena cidi ka aqbalin, kuwii kalana guud ahaanba la joojiyo! Xaqiiqda ayaa waxeey tahay �Meelkastoo Soomaalida ka xiranta, Soomaali kale ayaa Sooxirtey� laga yaabe in eey is lahaayeen, ummada dhuunta qabta, �Mukhallasiin� ka noqda, kadibana ka lacageysta!. Soow xaalkuba ma noqon � Afkiibaa Juuqda gabay!�

2-Burburka ku yimid Wadankeeni Hooyo, Cabdalla Shideeye iyo Xarumahiisa Dalka: Arinta labaad ee loo aaneynayo ayaa waxeey tahay burburka ku yimid wadankeenii Hooyo. Wadan burburkiisa wuxuu yahay isaga sheekeeyn meyno oo waa waxa nadhigey meesha Soomaali taal manta, ee xaqiiqdii dad badani kaba quusteen �Naxariista Allaah lagama quustee�. Burburkii wadanka waxaa la burburey waxkastoo Soomaali Shansaneeysey. Hadaanse dhinaca Ardeyda iyo waxbarashadooda si gaar ah uga hadlo, waxeey waayeen waxbarashadii lacag la�aanta aheyd dibadana Dowladoodu ugu diri jirtey, halkii waalid aan waxba heysan culeyskaa lagu fiirsan lahaa, -waqtigan dhibka badana iskaba daa warkiisa- iyo ufududeynta waxkastoo wadanka ardeygu waxkabaranayo uu uga baahdo, inkastoo aan maantaba leenahay Safaarado Agoon ah.

Hadaan usoo laabto Maxallushaahidka ama ujeedada hadalka, akhristoow waxaa dhacda in laba shahaado oo wadanka laga soo wada qaatey iskuna waqti ah, ayaa midi waxaa uu magaca wadanka ugu qoran yahay sidatan: Jamhuuriyada Dimoqraadiga Soomaaliya �Somali Democratic Republic� halka tan kalana uu ugu qoran yahay Jamhuuriyada Soomaaliya �Somali Republic� labadii ardey oo halmar wadanka isla yimid, hal wadanna kawada Socda, iskuna waqti ah, ayaa magacii wadanku kala duwan yahay, sidee Dowlada loola tagayo u fasiran kartaa? Dabcan magaca wadan mararka qaar weey dhacdaa in la badalo, laakiin mar hadii la badalo wixii dukumiinti ah ee ka dambeeya waqtiga magaca wadanka la badaley, waxeey qaataan magaca cusub ee Wadanka loo bixiyey, laakiin hadii labadan Shahaado ee isku waqtiga la bixiyey, magacii wadankaas laba siyaabo ugu kala qoran yahay, bal adiga si uun u sharax! Waxeey Soomaalidu tiraahdaa �Nimaan yaabinaa waa yaabey yiraa (dhaha)� waxaase intaa kasii dhib badan labadaa magac ee halka wadanba aan wadannee, �Waa ka daroo dibi dhale!� shahaadooyinka haltaariiq lawada saxiixey ayaa waxaa kala saxiixey waziirayaal Waxbarasho ee aan lasoo koobi Karin cadadooda, oo midba magaciisa iyo saxiixiisuba u gaar yihiin!, waayaabe ma waxaan dhahnaa Ilbiriqsiyo ayaa Waziiradeena waxbarasho loo badalaa!?. Waxaa sidoo kale jirta in shahaadooyinka qaar dadka farsameeya eey ku soo gaaraan iyadoo magaca waziirku ku daabacan yahay oo mabadalikaraan, laakiin maadaama meelo farabadan oo isla Cabdalla Shideeye ah lagu sameeyo iyo xarumihiisa kala madaxa banaanba ee daafaha wadankoo idil ku kala yaala, waxaa saxiixa Shahaadadaas iyadoo magaca waziirku uu ku daabacan soo baxdey ninka markaa uun kuu sameynaya, hadaba waxaa kuusoo baxa magaca hal waziir waxbarasho, malaayiin Saxiix oo kala Duwana leh!, keebaa sax ah? keebaase khaldan? BaL adiguba isweydii! Sideed u sharaxeysaa Ileyn waxa Dukumiintiyada loogeynayo waa Dowlad nidaam iyo kala dambeyn leh oo sida eey xoriyada u qaadatey Augost14,1947 aan sideena oo kale dib u noqon oo aan is cunine.?

Xikmadaheena Soomaaliyeed ee Hodonka ah ayaa waxaa ka mid ah mid dhaheysa �Gaalka dil Gartiisana sii� oo micnaheedu yahay: Hadii aad waxsheegeeyso xumaan iyo wanaagba ka sheeg, inta aad xumaanta uun sheegi laheyd. Xaqiiqdii Cabdalla Shideeye wuxuu ummada u hayaa howshii wazaaradihii Dowlada ummada u qaban jireen, marka laga hadlo wixii dukumiintiyo ku saabtsan. Xaqiiqduse waxeey tahay waxwalboo wanaag leh xumaana wey leeyihiin haba kala badnaadeene.

Cabdalla Shideeye, isagaa ah meesha waxkasoo baxaan, marka waad dareemi kartaa kaalinta uu ku yeelan karo dhibka jira.Waxaa dhacda in Shahaadooyinka uu cabdalla Shideeye Sameeyo qaar waxyaabo xaqiiqdii iyagu eey ku filnaan lahaayeen, eeysan wax mas�uuliyad ah iska saarin- laga yaabe in qaarkood tabarba eey ka noqotey-. Wixii dhib guud ah ee jira ee wax weyn eeysan ka qaban Karin waa gaar, laakiin wixii eey ku filanyihiin waxaa wanaagsanaan laheyn in eey si dadnimo leh ugu guntadaan. Tusaale ahaan waxaa ardey degdeg kusoo baxaya loosoo sameynayaa oo hoosta laga soo galinayaa shahaado maadooyinka qaarna loosoo buuxbuuxiyey, qaar kalana meeshii oo banaan laga tagayba, ama magacii maadada meesha ku qoran yahay ayadoo buundooyinkiina banaanyihiin, halka kuwo kalana maadooyinkii iyo buundooyinkiiba qoran yihiin laakiin loo qorey in ardeygu maado kastaa ku dhacsan yahay oo kale, halka luqadaha qaarna eey buundooyin sareeya ugu qoran yihiin -waa isla shahaadadiiye akhristoow ogoow!-.

Bal fiiri sawirka Shahaadadan ee la socta warbixintan. Maxaa yeeley dadka kawada shaqeysta cabdalla Shideeye qasab maaha in eey isku si uwada yaqaanaan Carabiga, Soomaaliga iyo English-ka, ummad farabadan ayaa waqtigu geeyey cabdalla Shideeye, waligoodba yeysan xafiis shaqadiis arkine, ileyn �Dani waa Seetee!�


Shahaadadii Khaldaneyd ee Cabdalla Shideeye

Waxaa iigu Yaab badneyd markii Arday aan u xareynayey Shahaadadan Tacdiinka aan ku baraarugey in Sanadka uu Dhashey ee ugu qoran Baasaboorkiisa iyo kan ugu qoran Shahaadada Dugsiga Sare eeyba u dhaxeeyo Sanad dhan! Sanadkee baad u qoreysaa ardeygaa? Hadiise aad sidaas ku gudbiso oo lagu qabsado wixiisoo dhan soow Cancel maaha? Waliba soow lagama yaabo in eey Saameyn Mustaqbalkiisa waxbarasho ee Wadankan Pakistan ku yeelato? �Allow Sahal Amuuraha, Anna waan ku Sugayaa!�

MUKHALLISIINTA IYO MAXAA KALA HEYSTA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE WADANKAN PAKISTAN

Soomaalida ayaa waxeey ku maahmaahdaa �Nin Bukoow Boqoli kuu talisey!� taasoo micnaheedu yahay marka qofku Bukoodo/Xanuunsado/jirrado, cidkastaa talo kusoo tuurta, �Bal sidaasna maa lagu dayo/tijaabiyo!� ayaa qofkiiba ka naxaya dhahaa.

Dhibweyn ayaa ka taagnaa helida Shahaadadan Muhiimka ah. Dhibkaa jira darteed waxeey noqotey in xalkastaa leysku dayo. Qaar Cabdalla shideeye ayey Lasoo xiriireen -ileyn iyagaa waxkasta farsameyn jiraye- si uun jaamacada eey u tusiyaan, shahaadadii ka xanibneydna ugu qaataan, waana arrin aad u Risky badan, maxaa yeeley waa shahaado leh Tiro Tixane ah �Serial number�, wey sahlan tahay in lagugu qabto, hadhowna lagugu qaado xukun �Foojiriinte!� oo ah mid aan sahlaneyn. Pakistan-se waxaa kugu filan in halmar lagugu tuuro �Xamsiyadeeda sida sahlan lagu galo laakiin sanado eey qaadato in lagu soo xasuusto�.

Maxbuus Pakistani ah laguna magacaabo Shehbaz Javed oo laga daawadey TV-ga DAWN NEWS ayaa wuxuu yiri �Waxaa leygu xukumey halsano oo kaliya waxaana hadda ii dhamaadey Tobankii sano, walina waan ku jiraa!!!� Soomaalida qaarkeedse waa Qar iska tuuryaal. Cabdalla shideeyuhu aduunka meelkastuu ka jiraaye, qaarbaan Soomaaliyaba waxba u dirsan oo gudahaba ka heley kuwo wax farsameeya, ayadoo dadka intiisa badan looga dhigey mid saxan, maadaama eeysan ka warheyn, loogana qaatey dukumiintigaa �Bugta ah� lacago u dhexeeya Rs: 9,000/ taasoo la eg ( $150), -illaa 12,000/ ($200/) dabcan qiime kasii badanna waa jiraa kaasooo dad looga qaatey-.Soomaalida ayaa waxeey tiraahdaa �Ilaahoow qof aan wax ogeyn ha cadaabin� Lacagtaa waxaa ardeyda ka daldasha niman Soomaali ah oo la qaraabta niman Suudaan iyo Pakistaani ah, oo waa kala qeybsadaan wixii ardeygaa Soomaaliyeed looga helo waraaqahaa aan waxba istaahilin. Mukhalasiinta qaarkooda �Goowso Dhacsadeyna� waxeey Pakistan-ta u tuuraan Shantoo Boqol oo rubi ($8.3/) wixii kalana iyagaa qaata.

Qaabka ugu xun ee Mukhalasiinta qaar ee ugu indhaha adag sameeyaan ayaa waxaa ka mid ah, in eey u tagaan madaxda joogta meelaha laga bixiyo dukumiintiyada Muhiimka ah nuucii eey rabaan ha ahaadeene, kadibna ku yiraahdaan ninkii Pakistaniga ahaa �War maxaad lacag la�aan ugu bixineysaa Dukumiintiyadan, dadkan lacag waa weyn ayaanba nooga qaadi karaaye, hada kabacdi kiiba Soomaali ah ee kuu yimaada hebel u tag dheh, si aan u noqdo qofka kaliya ee wax kaasoo sameyn kara, ee heliba kara dukumiintigaa loo baahanyahay, waa ballan in aan lacag ka wada dharagnee� Pakistani markii horaba mushaarka ku yaraa, dukumiinti uusan lacag gaar ahna ku heli jirina bixinjirey, hadii Dollar waa weyn la baro, soow ummadoo dhan hal Mukhallas cunaha ha ku wada dhago maaha!? Akhristoow meesha Hunguri dadka qaar la galayse Arag!

Xaalku intaa kuma ekee, waxaa jira warar Suuqeed ayaamahan Soomaalida wadankan Pakistan isla dhexwareegeysey, kaasoo sheegaya in Shahaadooyinka lagu soo sameeyo Cabdalla Shideeye kala roonyihiin! Tusaale ahaan in shahaadada �Nin gaar ah� uu sameeyo laga aqoon sanyahay wadankan Pakistan! Oo hadii aad ninkaas kasoo sameysato shahaadada dugsiga Sare, aad heleyso Shahaadada Tacdiilka ah ee lagu wareersan yahay, waliba si fudud lagugu siinayo. Waxaas wax kajiraa haba yaraatee ma jiraan. In warkaas dhahaya shahaadada nin hebel sameeyo ayaa saxan uusan habayaraadee waxba ka jirin waxaan u cuskanayaa oo dabcan wax loo cuskado ugu haboon xaqiiqatan, xiriirka aan la yeeshey Safiirka Soomaaliyeed ee wadankan Pakistan H.E Danjire Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan, wuxuuna ii xaqiijiyey in waxaasi eeysan waxba ka jirin, Aniganna waxaan u xareeyey dhowr ardey oo Shahaadooyin kala Duwan ee Cabdalla Shideeye wata, weyna usoo wada baxdey oo Alla mahadiis hadda wey wada heystaan. Kuwii warkaa faafiyey ula jeedada eey ka lahaayeen Nin walboow sidaad rabto u qaado!

Waxaa jirta in Shahaadada ugu roon ee Pakistan qofba la soo aado eey tahay shahaadada FPENS, waliba waxeey nimankan Pakistan-ta ku dhagan yihiin Shahaadadii FPENS-ka ee wadata Saxiixii Ustaad Axmed Cabdullaahi Sheik Muxammad (Macallimkeygii Taariikhda islaamka ee Dugsigeygii Sare, ahna Madaxa Iskuulkeeygii Mu�assasatul Imam-A-shaafici.). Waxaanse hubaa in Safaarada Dadaal u geli doonto in eey ka dhaadhiciso xafiisyadan Pakistan-ta in gudoomiyayaasha is bedeli karaan, sidaasna sixiix kale ku imaankaro, inkastoo wixiiba FPENS wata raja weyn lee yihiin, gaar ahaan marka aad xareysaneyso engineering ama Medicine. Xaqiiqdii ma garanayo waxa ku dhacay hey�adihii kale sida: SAFE iyo SOFA. Laakiin Shahaadooyinkii kaloo idil ee Cabdalla Shideeye ama Dowladii Millatery-ga, wax eey is dhaamaan haba yaraatee ma jiraan ee �Guntiga Dhiisha ka dhigo�.

MALLA HELAA SHAHAADADAN?, WADADEESE LOOMARAA?

Waxaan dagaal xoogan kala kulmey rag isugu jirey Mukhallasiin Socod barad ah oo afka kala tagay oo Hungurigoodu uu Caqligiiba ka dheereeyey, iyo Mukhallasiintii ku Goowso dhacsatey ee meesha ka Hunguri baratey. Soomaalida ayaa tiraahda �Dawaco (Dacawo) meeshii eey macmacaan ku barato ayey Macluul ugu baqtidaa� waxaa leygula dagaaley in aan ahay nin aan shaqeysaneyn, ragu in uu shaqeystana aan u ogoleyn,�Riibi geedo ma daaqo, lagamana Daaqo� Rag ayaa yiri lacag xoogan ayaa la inoo ogolyahay ee Cabdi Boqorow wadadan hadii aad soo heshey Anagana inoo sheeg �Sir ahaan� Nimcatul Fashuuqanna inala guro oo ummada ha gaarsiin, hadii aad rabto adiga ayaan kuu wada keeneynaa lacagta aan dadka ka qaadno iyo dukumiintiyadaba ee adiga xaree lacagtana inoo qeybi ee fadlan ummada ha gaarsiin. Waxaan ku iri �Lacagtaa Ilaah meel ka kheyr badan ha iiga Sahlo� maxaa yeeley xaqiiqdu waxeey tahay, qofka laga qaadayo $200/ waa dhibane nafla Caarignimo wado, oo aan garaneyn meel kaluu aado, hadii xaqiiqda sida lagu soo helo uu ogaan lahaana ma bixiyeen lacagtaa, wax gaar ah uusan isaga qabsan karin oo nimankan qabanayaana ma jiro, soow lacagtaa Xaaraan maaha marka?

Mukhallasiinta qaar ayaa ku qaraabta in eey wadada caadiga ah ee lagu helo dukumiintiyada qaar soo raadiyaan oo dadaal galiyaan, markii eey soo helaana dadka uga dhiga wax aan la heli Karin in eey iyagu doonaan maahane. Calool xumada jirta ayaase waxeey tahay in ummadu eeysanba rabin in eey is luraan (Is dhibaanba) oo hadiiba la yiraahdo �Hebelbaa sameeya ama soosaara dukumiintigaas�, waxeey horey ka leeyihiin �Lacagta waa iga tan ee hoo�, ayadoo laga yaabo in guriga Muskiisaba uu ku yaalo xafiiska la geynayo, isagoo lacag la�aan ah, wadaduna fududahay. Marka lacagtii larabana waa lagaa qaadanayaa, gurigaada Muskiisana dukumiintiyada ayaa lageeynayaa!

Akhristoow markii aan safaro dhaadheer u galay wax ka ogaashaha Shahaadadan Tacdiilka ee murugada Ummada ku dishey, anigoo sidoo kale dhowr wiil oo wadanka ku cusub hal mar u wada xareeyey, 9-maalin gudo hoodna ugu soo wada baxdey dhib la�aan Shahaadadii Tacdiilka ee helitaankeedu Mustaxiil-ka ahaa, ayaan waxaan go�aan sadey in aan ummada gaarsiiyo in la heli karo iyo wadadii saxda aheyd ee aan u marey, qarashkana yareyd, aanna loo baahneyn in �luuqluuq la maro� ama wax �Laaluush� ah la bixiyo.

Akhristoow waa la helaa Shahaadadan wadadii loo marayey oo si waafi ah u faahfaahsanna waa tane si fiican u dhuux. Marka horase; waxaa Allaah mahadiis ah in xal loo helay shahaadadan lagu wareersanaa ee ardeydu ka taagneyd � Alloow Ur u bixi�. Inkastoo Nasiib darro! ardey ogba eeysan jirin qoraalkan ka hor marka laga reebo inta aan Af-ahaan �Orally� ugu sheegay. Xaqiiqdii waxaa mahadweyn iska leh �Allaah kabacdi� H.E Mudane: Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan,(The Ambassador), Mudane: Axmed Cabdiraxmaan Sh. Nuur (First Secretary and D.H.M.) iyo dhamaan shaqaalaha Safaarada Soomaaliyeed ee Wadankan Pakistan oo dadaal xoog leh u galay sidii dhibka Ardeyda heysta uga dulqaadi lahaayeen, xalna ugu heli lahaayeen mushkilada meesha ka oogan, iyagoo ugu dambeyntii ku guuleystey Allaah Mahadiis.

Wadada loo maro helitaankeeda ayaa ah sidan soosocota:

Ugu horey waxaad u baahan tahay in aad Safaarada kasoo qaadato warqad sheegeysa in aad sooqaadatey waxbarasho 12-sano ah, shahaadada Dugsiga sare ee aad wadatana la midtahay ama u dhiganto shahaadada wadankan ee lagu magacaano �F.SC�, waxeey safaarada kaa qaadeysaa lacag aad u yar dhanna Rs: 300/ ama $5/, oo ah �Ka qeyb qaadashada Ijaarka/Kirada Safaarada�, waxaad warqadaas orginal-keeda iyo min hal Koobi oo ah Shahaadada dugsiga sare, passport-kaada (Valid Passport) iyo fiisaha waxbarasho (Study visa) ee aan dhicin, iyo sawir Passport size ah, ula tageysaa xarunta Hey�ada Tacliinta sare ee Pakistan qeybteeda u qaabilsan shahaadada Tacdiilka ee Dugsiyada Sare.

Waxaa xusid mudan in meesha laga xareynayo eey tahay Caasimada wadankan Pakistan ee Islamabad, waxaa sidoo kale jirta in xarumaheeda aad u farabadan yihiin, waliba meelo kala duwan ku kala yalaan, oo isla magaaladaa ah, maxaa yeeley qeybkastaa waxbey ku shuqul leedahay. Tusaale ahaan mid ayaa waxeey bixisaa wixii quseeya Shahaadooyinka jaamacadaha dibada laga soo qaatey oo kaliya, hadeey ahaan lahaayeen : Bachelor, Masters, M-phil ama Phd. Hadii aad dooneyso tan waa Xarunta Weyn ee Hey�ada Tacliinta Sare, adresskeeda, taleefanka iyo fax-ka lagala xiriiri karo waa sidan: Higher (Education Commission, Sector H-9,Islamabad. Ph: 0092-51-9040714, Fax: 0092-51-9040713, ama 0092-51-9258744).. Laakiin tan hadda ina quseysa ee aan ka hadleyno -madaama ardeyda wadankan soo gasha u badan yihiin ardeyda wadata Shahaadada Dugsiga sare-, ayaa xarunta lagala xiriirikaro iyana Addresskeeda, Taleefankeeda iyo fax-keeduba yahay sidan (Inter Board Committee of Chairman �IBCC�, At Federal Board Building, Near Shifa Hospital, H-8/4, Islamabad.Tel:0092-51-9235020 ama 0092-51-9235017. Fax: 0092-51-9250454), waxaad ula tageysaa dukumiintiyadii aan kor kusoo xusey, waxaad ka qaadaneysaa labo form oo midna lagu buuxbuuxinayo warbixin ardeyga kusaabtsan �Stdudent particulars�, halka kan kalana uu yahay midkii aad lacagta ku shubi laheyd.

Waxaa leyska qaadaa lacag dhan Rs1500/ una dhiganta ($25/,) waxaana markii hore lacagta lagu shubi jirey Bankiga address-kan leh, Allied bank Limited, I & T Centre, Branch Sarya Chowk, G-8/4, Islamabad, Laakiin waa laga badalley hadda oo Account-koodii weey kasoo rarteen, Muhiimada eey leedahay in aan xusana waa in formka lacagta lagu bixiyo uu wali ku yaalo/ku qoranyahay magaca Bank-gan iyo address-kiisaba taasoo laga yaabo in ardeygu uu ku habsaamo ama ku lug-go�o weyna dhacdey, iyadoo waqti iyo lacagba ka khasaarayaan ardeyga maadaama Islamabad meeshii aad aadaba Taksi uun la qaato. Hadase waxaa lagu shubaa lacagta Bangi isla xarunta ku dhexyaalla oo lagu magacaabo United Bank Limited (UBL), waxaa xusid mudan, in meesha eeysan laheyn meel wax lagu koobiyeysto sidaa daraadeed waa muhiim in aad Dukumiintiyadaada hore usoo koobiyeysato (min hal koobi),-hadii aan hada loo sameyn- maxaa yeeley meesha kuugu dhow waa meel aad Taxsi u qaadaneyso. Labada form ee aad buuxbuuxineeyso iyaga wax koobiyeyn ah lagaagama baahna, sidooda ayaad ku dhiibeysaa, waxaa sidoo kale jirta in �Orginal-ka Shahaadada Dugsiga sare iyo Original-ka warqadii aad safaarada kasoo qaadatey iyo koobiyaashaba halmar lagaa wada xareynayo, waxaana lagu ballaminayaa 9-maalmood ka bacdi.

Waa muhiim in ardeyga shahaadada iskuullo kale tusin lahaa si uu ugu bilaabo, uu ku xisaabtamo in Original-ka Shahaadada laga xareeynayo. Waxaa sidoo kale in lagu baraarugsanaado eey tahay in xafiisyada Dowladu la xiro 2:00Pm ama Sideed saac oo duhurnimo sida dadka qaar u yaqaanaan si aadan u luggo�in.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan rajeynayaa in ummad farabadanna eey ka faa�ideysan doonaan, waxaa la yiraahdaa warku waa awood �Information is Power� oo hadii aad war hesho go�aan sax ah in aad gaarto ayuu kugu saacidayaa. Soomaalida ayaa tiraahda �War helaa Talo Hela�. waxaase Calool xumo iyo caloolyoow ah, hadii Waalid iyo ardey masaakiin ah dukumiintiyo aan waxba ka jirin iyo warar been ah lacag looga gurto, ama ardeygu uusanba dhaqaaqin isagoo dukumiintiyadii uu u baahanyahay, laakiin uu ku andacoonayo ma furna ama maba garanayo sidii aan ku heli lahaa ama wadadii aan u mari lahaa. Waxaan si gaar ah uga codsanayaa akhristaha sharafta badan ee warbixintan aqriyey in uu uga faa�ideeyo qofkasta oo eey quseyn karto si eey wax ugu tarto adigana Allaah kaaga Abaal mariyo.

AFEER IYO FIIRO GAAR Ah

Wixii aad u dhib badan ee aan laheleyn, qofkii kartidiisa kusoo saara, qarashka laga qaatey maahee, wax macquul ah dulsaarta Sida Islaamku ogolyahay, umaleyn maayo in eey dhibleedahay maadaama Waqti iyo Tamarba (Time ana Energy) uu galiyey. Laakiin meesha kuma jirto in wax aan lacag kaaga bixin Boqolaal Doollar Ummada looga dhaco, ama wax fudud oo wada sahlan loo maro qofka looga dhigo wax aan laheliba Karin Mukhalaskaa in uu howlgalo maahee, ayadoo laga faa�ideysanayo Habacsanaanta ama cuseybka ardeygaa miskiinka ah, sidaana waalid lacag looga feero daaro.Anigase waxii tabarteyda ah dadaaley. Rasuulka (SCW) ayaa xadiith ku yiri �Qulil Xaq Waloowkaana Murraa� oo micnihiisu yahay xaqa sheeg haba qaraarnaadee.wuxuuna sidoo kale yiri �Allaahu fiicownilcabdi maakaanalcabdu fii cowni Akhiihi� oo micnaheedu yahay Allaah wuu caawinayaa, inta uuba adoonku caawinayo walaalkiis. Yaan caawinta Allaah u baahneyn!? Jawaabtu waa Cidna.

MAHADNAQ:

Waxaan u mahadnaqayaa walaalkeeyga iga yar: Eng.Cali Maxamed Cismaan (Cali Nuur), boqoryare_1@hotmail.com ,Dumaashidey: Naciima Axmed Yuusuf (Ummu Sumaya) kuwaasoo qeyb libaaxleh ka qaatey dib u sixida warbixintan, iyo dhamaan intii igu dhiiragalisey in aan diyaariyo warbixintan muhiimka ah.


Wabillahi Towfiiq

Cabdi Boqor
Qoraa: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan �Cabdi Boqor�
BBA (Horns), MBA (in Progress)
Karachi-Pakistan
Mobile: 0092-3002477489
abdulkadirphd@hotmail.com

TAZDIIQINTA (ATTESTATION-ka) SHAHAADOOYINKA JAAMACADEED EE WADANKAN PAKISTAN

Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, xaqiiqdii waa ciwaan aad muhiim u ah. Waxaana rajeynayaa in ardey iyo waalidiin aad u farabadan uu wax weyn u faa’ideyn doono haduu Alle idmo. Xaqiiqdii qeybo dhan oo ka mid ah Ardeyda faraha badan ee wadankan Pakistan waxkabarata ayaan garaneyn waxa uu yahay Attestation-ka, muhiimadiisa iyo wadada saxda ah ee loomaro intaba. Sidaa daraadeed waxaan qalinka u qaadaney in aan wixii awood ah wax uun ka dhahno, si ummada uga wada faa’ideysato, gaar ahaan kuwa sida tooska ah eey u quseyso, si aay ugu baraarugaan waqtiga ugu haboon, iyo si eey ugu fufudaato wadada saxda ah ee loomaro Tazdiiqinta Shahaadooyinkooda Jaamacadeed. Haduu Alle idmo.

Waa warbixintii aan jeclaan lahaa in aan anigaba helo sanado farabadan ka hor. Waa maalintii aan wadadan marayey oo xaqiiqdii ii save-gareyn laheyd (Baajin laheyd) Waqti iyo dhaqaale intaba. Sidaa daraadeed ardeyda wadadaas kusoo socota iyo waalidka ama walaalka ka mas’uulka ah ayey xaqiiqdii u tahay wax aad u qiima weyn. Sidaa daraadeed; ka faa’ideeyso una faa’idee inta kale maxaa yeeley “Ragga hore Gubashadii, waa kuwa dambe Gabbaad kood”.

Waa maxay tazdiiqintu Ama (Attestation-ka) Shahaadada jaamacadeed?

Bal inta aanan u dhaadhicin ama aanan u guda galin mowduuca, bal aan isla qeexno, Tacriifinno ama isla Define-gareyno waxa Tazdiiqintu tahay.

Attestation-ka ama Tazdiiqinta Shahaadada Jaamacadeed: waa cadeyn ama xaqiijin lagu sameynayo in shahaadada ardeygu wato; sax tahay, wado sax ahna loo soo marey qaadashadeeda, lagu soo qaatey waqtigii iyo maadooyinkii loogu talagalay intaba, lagana soo qaatey jaamacad eey aqoonsan tahay Hey’ada Tacliinta Sare ee wadanka, ugu dambeyna sidaa shaabada, tiimbaraha ama cadeenta sharciga ah lagu dhufto.

Xaqiiqdii Waa kala saarida ardeygii mudada sanadaha ah soo dadaalayey iyo Dibjirkii meelaha siduu u daaluqlahaa shahaado iska sameystey ee raba in uu la mid noqdo ardeygii Dhididka soo daliiqay ee naf iyo maalba isugu geeyey sidii uu cilmi dhab ah oo naafic ah ku heli lahaa, kaasoo lagu miro gurto meelkastoo aduunka uu kala tago. Waa u kala garsoorid ardeygii guntigiisa u xirtey waxbarashadiisa ee ku guuleystay howshii waalidkii iyo walaalihii ku ogaayeen, iyo kan “Matacbade Burweynaha” ah ee siduu meelaha u hurdo weynaa oo uu utimo Raamo lahaa kusoo baraarugey ficii oo wax wada bartey, sidaana ku damcey in uu “Baakad Bug ah” iska sameysto si wax uun uu ula noqdo. Waa ukala xaqsoorida waalidiintii waxeey lahaayeen iyo waxkastoo eey heli kareen intaba waxbarida Owlaadooda/Ubadkooda u hurey, Owlaaduna la garteen-ileyn waa muhiime-, iyo waalidkii Jahliga ku fiirsadey Owlaadiisa sidaana Focood uga reebey iyo in eey aqoon wax kula qeybsadaan ama ku hogaamiyaan Asaagood/Focood.

Muhiimada tazdiiqinta ama (Attestation-ka) Shahaadada jaamacadeed

Qofku marka uu si sharci ah ku qaato shahaadada oo uusan iska sameysan, sida dhacda marar badan, meelo farabadan oo aduunkoo idil ahna ka dhacda, waxaa looga baahan yahay in uu tazdiiqiyo Shahaadadiisa Jaamacadeed (Attestation), si uusan Dhib, Shaki ama Muran ugala kulmin, marka uu ku shaqo doonanayo si caalami ah ama marka uu aqoon sare doonayo in uu sii kororsado iyo waliba xilliga uu doonayo in uu qabto xafiisyada ummada (Public offices).Weey dhacdey rag sheegan jirey in eey kasoo qalin jabiyeen jaamacad heblaayo sidaana Jagooyin dowladeed loogu dhiibey, hayeeshee dib ka cadaatey baaritaan kabacdi in eey Huuhaa iyo Been uun aheyd! sidaana ceebtooda ummadoo idili ku wada ogaatey, maxaa yeeley Caalamkan waxkastaa Computerized-ka wada yihiin oo eey waxkastaahiba ka buuxaan “Database” iyagoo wada leh Serial number-kooda, wey iska fududahay in lakala saaro kan wax sharci ah wata iyo midka waxa Bugta ah wata. Sidoo kale u maleyn maayo in uu jiro ardey Jecel ama ku farxaya in uu la mid noqdo mid asigoo waxba aanan baran Baakad Bug ah iska sameystey iyo isagan sida hufan ugu soo dadaaley tacliintiisa oo eey Berri ku wada tartamaan waxkasta, sidaa daraadeed waa muhiim in ardeygu uu sameysto attestation-ka Shahaadadiisa marka uu ka qalinjabiyo Jaamacada. Xaqiiqduse waxa eey tahay, Waxa idin kala saaraya maaha oo kaliya in aad si sharci ah Shahaado jamaacad uga qaadatey, ee waa in eey Kuu tazdiiqsan tahay ama Attestation kuu leedahay Shahaadadaada jaamacadeed, Waloow waxa dhabta ah ee aadan marna ka sinnaaneyn eey tahay Cilmiga dhabta ah ee Qalbigaada kuugu jira, ee cidina eeysan kaa Bililiqeysan Karin, ee ah Masaar/Gudin aad meelkastood tagto ku geedo guran karto, xaqiiqdiina kuu ah “Hantida dhabta ah ee Maguuraanka ah”.Sidaa si la mid ah ayeyna Muhiim u tahay in uu kasii taxadaro ardeyga shuruudaha lagu xerikaro iyo Dukumiintiyada uu u baahan karo marka uu doonayo in uu sameysto attestation-ka ama Tazdiiqinta Shahaadadiisa jamaacadeed.

Wadada loo maro Tazdiiqinta Shahaadooyinka Jaamacadeed ee Pakistan

Marka hore si aad u sameysato Attestation-ka ama Tazdiiqinta Sharciga ah, waxaad u baahantahay dukumiintiyo la’aantood aadan heleynin attestation-kaas, sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in aad marka horeba sii urursato dukumiintiyadaa inta aanba la gaarin waqtiga aad wax tazdiiqin laheyd, ileyn waatii Soomaalida hore u tiri “ Cilladhaan warmo kama tunmaane” waliba Dukumiintiyadaa dhamaantood, waa kuwo aad ugu baahantahay sharci kusii joogitaankaada wadankan iyo waliba xasilooni kusii wadashada waxbarashadaada. Marka waxaaga maadba sii urursatid oo dhibba kasii taxadartid, ileyn soomaalida ayaa tiraahda “Biyo inta eeysan kusoo gaarin ayaa leyska Moosaaye/Owdaaye” Yaanan hadalka sii dheereyn ileyn “Hadal badan haan ma buuxshee” Waa sidan dukumiintiyada aad u baahantahay marka aad sameysaneyso Attestation-ka Shahaadadaada Jaamacadeed.

Dukumiintiyada Ardeyga looga baahanyahay

  1. Koobiga Baasaboorka oo aan wali kaa dhicin “Valid Passport ” dhamaan inta eey wax uga qoran yihiin.
  2. Koobiga Fiisaha ardeynimo “Valid Study Visa” oo aan iyana dhacsaneyn ama waqtigeedii uusan dhamaan.
  3. Dhowr sawir oo nooca passport size-ka ah
  4. Koobiga Shahaadada tacdiilka ama isbarbardhiga (The Equivalence Certificate)
  5. Koobiga Shahaadada N.O.C-da (No Objection Certificate)
  6. Koobiga a Shahaadada Dugsiga Sare,-waa hadii aad Bachelor tazdiiqsaneysee- Hadiise aad shahaado kasii sareysa u rabto, dabcan tii ka horeysey waa leyska doonayaa.
  7. Shahaadada laguu attest-gareynayo iyo Transcript-geeda (Warqada Maadooyinka iyo Buundooyinkooda ku qoran yihiin) dabcan waaba waxa aad mesha geeyneyso.

Waxaa is xasuusin Mudan waxa aad gudbineyso ee lagaa reebanayo waa Koobiyaasha Dukumiintiyada, waxaase lagama maar maan ah, in dhamaan orjinaalka Dukumiintiyadaasina aad wadato, oo aad hore usii qaadato, maxaa yeeley iyana waa lagaa qaadayaa oo la hubinayaa, laguuna soo celinayaa, kadib marka howsha laga lahaa laga dhameysto, hadiise aad kasii tagto, oo Koobiga uun lasii orodo, ee lagu soo celiyo, “Wixii dhaca adaa dhigey”

Meesha laga sameysto Attestation-ka

Waxaa laga sameystaa Attestation-ka, illaa iyo sadex meelood badanaa, mid kastaahise qolo gaar ah ayey quseysaa. Waa tan 1-aade; waxaa laga sameystaa Xarunta weyn ee Hey’ada Tacliinta Sare ama HEC-da (Higher Education Commission), kuna taalla Caasimada wadanka ee Islamabad. Waxaa wanaagsan in ardeygu uu waqti hore tago, sida 9:00am iyo wixii u dhow, maxaa yeeley dadka wadankan oo aad u tiro badan(165Million) ,si aad ahna wax u barta iyo jaamacadaha wadankan oo aad u badan, ayaa waxeey sababeysaa in sanadkastaa Daadad ardey ah soo wada qalin jabiyaan. Maalinkasta ee ardey Attestation u tago xarunta Hey’ada Tacliinta Sarena waxaa aad u buux dhaafaya ardey. Waxaa lagalaa Saf dheer, hadii aad soo dib dhacdo wax yar ee inta aadan soo gaarin meesha Safkaas lasameeyana hade dadka kusoo daba feyl ayaa kuu taalla, adigoo meesha kusoo kallahay ayeyba foojignaan gaar ah kaa rabtaa si aan gadaal laguu marin.

Waxaa sidoo kale jirta in ardeyga badanaa waqti uga lumo isku qaldida labada Foom oo mid uun la buuxinayo inta aadanba safka galin. Waa caqli hadii aad labo tihiin ee midna Foomka idiin sii buuxbuuxiyo midka kalana leynka idiin waar diyeeyo ee idiin sii galo booska. Labadaas Foom ayaa kala ah, mid loogu talagalay ardeyda Ajaanibta ah, iyo mid loogu talagalay dadka wadankan u dhashay, hadii ardeygu uusan ku baraarugsaneyn in eey jiraan labadaa Foom ee kala duwan, wuxuu iska qaadan karaa, iskana buuxsan karaa midkii aan isaga loogu tala galin, maadaama eey isku egyihiin, meelna wada yaallaan. Mudo markuu ardeygaa saf ku jirey ee isaga lasoo gaarana lagu yiraahdo orodoo dib u noqo oo kan kale soo buuxi, waa gadaal kasoo biloow, xaqiiqdiina waa dhabar-jab iyo dhib intiisa la eg. Waxaana wanaagsan in ardeygu Koobiyadiisa oo dhameystiran horey usoo wada qaato si uusan iska daba wareeg kale u galin.

Qiimaha lacagta Attestationka ee Hey’ada Tacliinta Sare waa Rs200/ ($2.86)/warqadii orginal ahba, halka wixii Koobi ahna laguugu Attest-gareynayo Rs100/ ($1.43)-Qiimaha iyo Sarifkuba weey is bedeli karaan Dabcan-Waxeey kaga dhufanayaan Attestation-ka qeybta dambe ee Degree-ga iyo Transcript-ga Orjinaalka ah, halka koobiyaashana eey uga dhufanayaan wajiga hore. Qiimaha lagaa qaadayo waxeey ku qoran yihiin foomka aad buuxbuuxineyso, waxaana sidoo kale eey ku dulqoranyihiin waraaqaha yaryar ee aay kuugu dhajinayaan Dukumiintiyada la Attest-gareynayo, waa waraaqaha Soomaalida u taqaan “Farangaboolooyinka”, waxkastana waxeey kuu lahaanayaan Serial Number, laga xaqiijiyo attestation-kaas markastoo loobaahdo. Nuxurka hadalka ama Muhiimada ayaa ah in adeygu ogaado in Hey’ada Tacliinta Sare eey tahay meesha ugu muhiimsan ee ugu horeyn eey tahay in ardeygu uu maro marka uu Shahaadada Jaamacadeed Attest-gareysanayo, waana meesha hadii eeysan u tazdiiqin , wixiisu ka kac yihiin/Bilaash yihiin.

Udiyaargaroow su’aalo Kadis ah ee lagaa weydiinkaro maadooyinka aad kusoo qaadatey qeybta aad baratey, in aan lagu weydiina waa wax dhici kara. Waa Su’aalo qodqoditaan iyo baaritaan ah, waloow qofkii si dhab ah wax u bartey eeysan ku noqon doonin wax sidaa usii weyn.

2-Meesha labaad ee ku xigta marka aad kasoo Attest-gareysato Hey’ada Tacliinta Sare, waa Wazaarada Arimaha Dibada, iyana waxeey kaa qaadayaan lacag dhan Rs 25/($0.42)/Warqadiiba. Nasiib wanaagse orjinaalka iyo koobiyaasha kalama saaraan. Howsha halkan weey ka fududahay, shaqaalaheeda oo aad u badan iyo dadka wadanka u dhashay ee Dibada wadanka uga socda oo kaliya ayaa imaanaya, marka laga reebo Ajaanibta, marka xoogaa weey ka Zaxmad/Buuq yartahay, weeyna ka fududahay Hey’ada Tacliinta Sare, dhinackasta hadii eey ahaan laheyd baaritaanka, qodqodista iwm, waxaa laga yaabaa in eey sabab u tahay maadaama qofka uu horey u soo marey Hey’ada Tacliinta Sare oo aad u ad adag, dabcan waxeey isleeyihiin waxkasta oo aad marsiin laheydeen horaa loosoo marsiiyey, waloow hey’ad kastaahiba eey leedahay Siyaasadeeda iyo hab wax-u-qabadkeeda (Policies and Procedures). Wazaarada Arimaha Dibadu waxeey ku xigtaa ahmiyad ahaan tan Hey’ada Tacliinta Sare. Waana muhiim in aad Attestation-kaas Wazaarada arimaha dibada ka sameysato, maadaama aad dooneysid in aad wadankan Pakistan dibadiisa Shahaadooyinkaas wax uga qabsatid ileyn Ajnabi ayaad tahaye,hadii gudaha wadankan aad uga shaqeysaneysana, kaba sii fiican oo waa kalsooni weyn, marba hadii intaas oo xafiisyo muhiim ah kuusoo tazdiiqiyeen.

3-Meesha Sadexaad ee Ardeygu uu Attestationka kasii sameysanayo ayaa iyana ah Safaarada Wadankiisa, waloow eey “Mustaxab” iska tahay, hadana waa wax aad u wanaagsan, maadaama wadanka aad wax ku baratey xafiiskii kumatalayey eey tahay, waana wax inta badan aqoonyahanadu sameystaan , sababo kaloo farabadan oo tan aan sheegey kasii muhiimsanna wey jiri karaan, ee adiguba kusii darso.Waxaa sidoo kale meesha ku jirta hadii aad wadan kaloo Ajnabi ah usii socodo Safaraadooda in aan kasii smeysatana wax weyn ayey xaqiidii caawineysaa, dhibkii aad documents-kaas kala kulmi laheyd ayey iyana yareyneysaa amaba meesha ka saareysaa.

Gabagabo/Gunaanad

Gabagabadii iyo Gunaaanadkii waxaan dhihi lahaa ardeykastoow, wadankan Pakistan si sharci ah kusoo gal, oo viso ardeynimo oo sharci ah kusoo gal marka hore, markasta oo eey kaa dhacdana cusbooneysiiso oo 45-maalmood ka hor gudbi dukumiintiyadaada, noockasta oo dukumiinti ah ee aad u baahankartana waqti horeba sii ururso, ileyn garanmeysid waxa is bedelikaree, ogoowna in wadada saxda ah in uu ardeygu maro eey markasta ugu qarashyartahay haba u ekaatee in eey mararka qaar wadada gaaban(The short cut) fududahaye, cawaaqibteeda ayaanse la mahdineyn. Ugu dambeynna waa in uu ardeygu raadiyaa waxkastoo muhiim u ah waxbarashadiisa iyo mustaqbalkiisaba, si wax muhiim u ahba uusan si fudud ugu seegin. Waa waano tan ugu muhiimsan gaar ahaan in aad hesho waqtiga ugu munaasibsan ee taladu kula simantahay, cidkastaana eeysan kuula soo ordeynin waa Qurbe iyo caadadiisee, Asia-na kumaba sii jirto oo wax yaabaha lagu barto eey ugu horeyso Xaasidnimo! “Waa qofkii aan naftiisa kala dagaalamin saameyntan xune”.

Mahadnaq

Waxaan si Kal iyo Laab ah ugu mahadnaqayaa walaalkeey iga yar Eng.Cali Maxamed Cismaan “Cali Nuur’ iyo Dumaashidey Naciima Axmed Yuusuf “Ummu Sumaya” .. Oo xaqiidii si hufan igala shaqeeyey ururinta, qorista iyo soo bandhigida warbixintan Muhiimka ah.

Wabillahi Toqfiiq

Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdi Boqor”

MBA (MKT) Bahria University

Karachi- Pakistan

Email: abdulkadirphd@hotmail.com

Mobile No: 0092-3002477489

Qoraaladii hore ee Cabdi Boqor